Hargeysa(Subulahanews) Shirkadda Isgaadhsiita Casriga ah ee Somtel, ayaa manta soo bandhigtay Adeeg cusub oo la baxay Tebiye, kaas oo ah mid wax weyn ka taraya baahiyaha  Macaamiisha Shirkadda isgaadhsiinta ee Somtel.

Adeegan cusub ee Shirkadda Somtel soo bandhigtay oo ah mid fududaynaya in aad si hawl yar ku heshid qofka aad u baahan tahay xilliyada oo Telefoonkiisu xidhan tahay iyo mid aad xal u heshid fariimaha fara badan ee Mobelkaaga soo gala wakhtiyada uu xidhan tahay ama mashquulka tahay, ayaa waxa masuuliyiinta u sareysa Shirkadda Somtel kaga dhawaaqeen  Shir jaraa”id oo ay manta ku qabteen Xaruntooda Magaalada Hargeysa.

Shirkan Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Maareeyaha Shirkadda Somtel  Cawil Saalax Cabdi, Maareeye kuxigeenka Shirkaddaasi Axmed C/llaahi Caynaanshe, Madaxa Iibka iyo Suuqeynta Iid Muuse Maxamed iyo Madax Xidhiidhka Dadweynaha Cabdinaasir Cawed Muuse, ayaa waxa ay ka warameen faa’iidada uu barnaamijkan ay soo bandhigeen uu dadweynaha u leeyahay iyo qaabka oo isticmaalayo.

Madaxa Iibka iyo Suuq geynta ee Shirkadda Casriga ah ee Somtel Iid Muuse Maxamed oo ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id, ayaa sheegay in sababta ay u qabteen Shirkan jaraa’id ay tahay sidii ay macaamiishooda ugu soo bandhigi lahaayee adeega cusub ee la baxay Tebiye oo Shirkadda Somtel ku soo kordhisay adeegyada ay siisi macaamiisheeda, isaga oo xusay in adeegan uu wax weyn ka tari doono baahiyaha dadweynaha, waxaanu yidhi isaga oo arrintaasi ka hadlaya “ Shirkan jaraa’id waxa aan saaka u qabanay in aanu macaamiishayda ugu soo bandhigno adeeg cusub oo la baxay Tebiye, kaas oo ah adeeg casri ah oo wax weyn ka tari doona baahiyaha macaamiisha ku xidhan Shirkadda Somtel.  Shirkadda Somtel markasta waxa ay diyaar u tahay in ay macaamiisheeda raali geliso oo adeegyada ay u baahan yihiin ay u soo kordhiso, markaa adeegan cusub ee tebiye waa mid dadka u fududnayaya in ay si hawl yar u helaan qofka ay u baahan yihiin marka uu Telefoonkoodu xidhan tahay, waxaanu marka uu furo ku sheegayaa in qofkii aad baahida weyn u qabtay Mobelkiisii furay oo aad a xidhiidhi karto, waxaan odhan kartaa waa adeeg faa’iido badan leh oo aanu ugu bushaaraynayo macaamiishayada.”

Madaxda hawl gelinta ahna Maareeye kuxigeenka Shirkadda Somtel Axmed C/llaahi Caynaanshe oo isaguna ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id, ayaa faah faahin ka bixiyey  wax tarka uu leeyahay barnaamijkan cusub ee ay soo bandhigtay Somtel, waxaanu xusay in dadweynuhu kaga nasan doonaan fariimo badan oo telefoonka ka buuxin jiray inuu hawl yareeyo adeegan tebiye, waxaanu yidhi “ Adeegan Tebiye waa mid cusub oo Shirkaddu in muddo ah ka soo shaqaynaysay waxaan ugu talo galay macaamiishada ku xidhan Shirkadda Somtel, waxaanu filaynaa inuu wax weyn ka qaban doono dhibaatooyin qofka ka haystay marka uu u baahan yahay ee Telefoonkiisu xidhan yahay, imika si dhib yar ayuu u helayaa oo adeegan ayaa ku sheegaya marka uu furo qofkii aad u baahnayd, markaa waa bushaaro cusub oo aanu u soo kordhinay macaamiishayada.”

Maareeyaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel Cawil Saalax Cabdi oo ugu dambayntii ka hadlay Shirkaasi jaraa’id, ayaa waxa uu tafaasiil ka bixiyey wax uu qabanayo adeegan cusub iyo faa’idada uu dadweynaha u leeyahay, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Adeegan aanu ugu magic darnay Tebiye  waa adeeg cusub oo Shirkaddu soo kordhisay, waana mid ku sheegaya marka qof Telefoonkiisu xidhan yahay aad garaacdo ku odhanaya hebel oo aad u baahanayd ayaa ku soo garaacay, markaa si fudud ayuu adeegan ugu suurto gelinayaa inaad hesho cidii aad u baahanayd ee Mobelkiisu xidhnaa. Markaa muhiimada uu leeyahay Adeegan waxa ka mid ah haddii aad qof dhakhtar oo kale ah u baahan tahay oo telefoonkiisu xidhan tahay inuu markiiba ku sheego inuu furay oo aad heli kartid, waxa kale oo adeegan ka yaraynaa fariimo badan oo Telefoonkaaga buuxinayey inuu ku fududeeyo oo halkii marki qofku ku soo garaaco shan jeer oo kale aad ku arkaysay shan fariimood imika waxaad helayaa hal fariin haddii uu toban jeer ku soo garaaco oo adeegan ayaa ku hawl yaraynaya.”

Maareeyaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel Cawil Saalax Cabdi waxa kale oo uu sheegay in Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel ay ku dedaalayso sidii ay macaamiisheeda ugu soo bandhigi lahayd adeego cusub oo raali geliya, isaga oo sheegay in marka ay adeegyo soo kordhinayaan in ay baadhitaan ku sameeyaan macaamiishooda.

Source waaheen.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook