Hargaysa(Subulahanews)Marwada Koowaad ee Somaliland Amina Weris Sheikh Maxamed Jirde ayaa la filayaa inay maanta soo gaadho dalka iyadoo ka soo kicitintay dalka Ingiriiska oo ay muddo bil iyo dheeraada ku maqnayd ka dib markii ay Hargeysa iska sii raaceen ama iskaga sii lug dareen Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ay Sodoh u tahay oo tahriibinaayey lacag lagu qiyaasey laba milyan oo doolar oo lagu qabtay Madaarka Joome Kenyatta-Nairobi,dalka kenya aakhirkiina lacagtii iyo Baasheba Somaliland dib loogu soo celiyey.
Amina Weris ayaa sida xogaahaanu helay noo xaqiijiyeen markii ay hubsatey in Booliiska madaarka Kenya qabteen,gacantana ku dhigeen shandadii ay ku jrtay lacagta labada milyan ahayd ee dharka lagu hoos qariyey ayey toos u gudubtay oo Baashe Cawil kaga tagtey,oo dhaaftey kowntarkii iyadaan wax shaki iyo shida ahba isgelin oo qaylo iyo telefoon u diratey wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo arintaas furdaamin kari waayey inkastoo xoguhu sheegeen in Hargeysa lagala soo hadlay oo hagrasho ku jirtay. Yeelkeede laba cisho ka dib ayey Amina Weris ka dhooftay Nairobi una jihaysatey London oo ay muddo ku sugnayd inkastoo aaney jeclaysan in la ogaado joogitaankeeda London,duruufaha soo kelifay iyo dhaqdhaqaaqeeda toona.
Tibaaxo kale oo aanu helay ilo ku dhawdhaw qasriga madaxtooyada ayaa iyana noo sheegay in Amina Weris Hargeysa kaga dhooftay dudmo markii khilaaf mug weyn oo muddoba qarsoonaa shiiqay,khilaafkaas oo kala dhexgalay iyada iyo wasiirka madaxtooyada oo mashruuc Haamaha shidaalka iyo cida laga kireynaayo laysku maandhaafey kaas oo aakhirkiina madaxweyne Siilaanyo hakiyey iyadoo marwadu doonayso maadaba wasiirka madaxtooyada Xirsi mashaariic maalgelineed oo macaash buuran laga helaayo sedbuursiimo u siiyey beeshiisa iyana inay kan Haamaha Berbera ku fara adeygto, kuna maamuusto ganacsato ka soo jeeda Saaxil iyo Subulaha balse aakhirkii tii Wasiir Xirsibay noqotey ,oday Siilanyana xagga Xirsi ayuu u janjeedhsaday mashruuciina sidaas ayuu gacanta Xirsi ku galay.
Xoguhu waxay intaas ku darayaan in ergo badan oo isaga dab-qaadey Hargeysa-London iyo xidhiidho dhaadheer oo telefoon ka dib marwo Amina weris la soo ladqabeeyay oo ay aqbashey inay gurigeeda iyo qasriga madaxtooyada dib ugu soo biirto, iyadoo intii ay London joogtay dhaqdhaqaaqeedu xadidnaa, islamarkaana qaraabada iyo saxaafadaba ka dhuumanaysay si aan warkeeda dudmada ahi debeda ugu soo bixin inkastoo lacagtaa labada milyan ee dollar ee la tahriibinaayey lagu suntay iyada iyo wiilkay sodohda u tahayba taas oo warbaahintu faafisey.
Isku soo wada duuboo Marwada ayaa la filayaa in maanta si weyn qaar ka mid ah golaha xukumada Siilaanyo ugu soo dhaweeyaan madaarka Berbera oo la filaaayo inay ka soo degto,waxaa magaalooyinka Berbera iyo Hargeysaba dhexyaacaya baabuur sawirkeeda iyo halku dhegyo lagu amaanaayo ku xardhan yihiini, waxaana loo sameyn doonaa gelbis mabsuud ka dhiga ilaa inta ay qasriga madaxtooyada soo gaadheyso halkaas oo ay ku soo dhaweyn doonaan Wasiirka madaxtooyada Xirsi,wasiirka maaliyada Samaale,wasiirka arimaha gudaha Duur iyo xubno kale oo ka tirsan golayaasha iyo xukumadaba.Waxaa isna madaarka ugu diyaar garoobey soo dhaweynta marwada oo halkaas saaka ugu jarmaadey wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo beryahan danbe liqliqanaayey.
qarannews
