Borama(Subulahanews)Koox dabley ah ayaa la sheegay inay deegaanka Dudub ee gobolka Awdal ku qafaasheen saddex baabuur oo WFP leedahay oo Raashin u siday dadka Abaaruhu ku haleeleen Tuulada Cabdi Qaadir ee gobolkaas.
Sida uu Haatuf xalay u sheegay goob jooge ku sugan deegaanka Xariirad oo sheegay inuu indhihiisa ku soo arkay saddexda baabuur oo markii hore lagu soo jajabiyey deegaanka Dudub markii danbe ee dib ay u noqdeena tilmaamay in koox hubaysani ay halkaas ku qabsadeen Raashinkii iyo baabuurtiiba. Goob joogahaas oo ka cudurdaartay in magaciisa la shaaciyey sababo amaan dartood ayaa tafaasiil ka bixiyey in arintaas maamulka gobolkaasi ka hawlgaleen iyo inkale ayaa sheegay inaanay jirin ilaa imika cid u dhaqdhaqaaqaysa afduubkaas. Ugu horayna isaga oo dhacdadaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Waxa la dhacay saddex baabuur oo baabuur oo raashin ah oo loo waday dadka Abaaruhu ku hayaan Tuulada Cabdiqaadir, markaa saddexdaa baabuur ee raashinka ah ee loo siday deegaanada gobolka Salal, markaa ayaa waxa Gawaadhidii dhexda u joogsaday Maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Faamiliga Madaxwayne ku xigeenka. Waxaanay Maleeshiyadaasi baabuurta u joogsadeen Xariirad dusheeda, markaa markii hore baabuurta way jajabiyeen oo dadkii saarnaana waxay u gaysteen dhaawacyo fudud, markaa ayaa arintii la galay oo la yidhi waa la xaliyey oo la idhi iska socda markaa marii danbe ee ay Xariirad ka baxeen ayaa dhexda loo galay sidii ayaana lagu haystaa ilaa imika oo waxay ku qafaalan yihiin deegaanka Habaas ka sokeeya oo la yidhaahdo Dudub ilaa imikana ma jirto cid ka hawlgashay soo dayntooda”.
Source, Haatuf
