Hargaysa(Subulahanews)Warar rasmiya oo ay Shebekeda Qaran-news ka soo gaadhey qasriga madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Siilaanyo shalay kulankii uu xafiiskiisa kula yeeshay hogaamiyaha jabhadii burburtay ee SSC. Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye iyo Ergo shan xubnood oo safarka uu Hargeysa ku yimi ku wehelinaysay ku soo gebageboobay heshiish farsamo oo hordhaca oo ku kooban Afar qodob oo sadex ka mid ahi tahay shuruudihii awel horeba Xaglatoosiye ku xidhay Xukumada Somaliland inay fuliso, yeelkeede shuruudihii uu watey Xaglatoosiye sida Qaran-news heshay si toosa oo aan warwareeg iyo waqti lumis lahayn ayuu madaxweyne Siilaanyo u aqbalay,waxaanay qodobada labada daraf isku afgarteen kala yihiin:-
* Qodobka koowaad waxay labada dhinac, darafka xukumada Siilaanyo oo Faysal Cali Waraabe oo keliyi ku wehelinaayey kulanka iyo darafka kale ee Xaglatoosiye hogaaminaayey isla ogolaadeen in ciidamada qaranka ee ku sugan jiida hore ee Sooljoogta iyo Buuhoodle dib loo soo raro, laguna celiyo fadhiismadii ay hore u fadhi jireen dagaalka Kalshaale hortii.
* Qodobka labaad waxay labada daraf (darafka Xaglatoosiye iyo darafka xukumada Siilaanyo) isla garteen in la sii daayo maxaabiista ku abtirsata ama ka soo jeeda beesha Dhulbahante ee ku xidhan Jeelalasha Somaliland siiba kuwii lagu qabtay dagaaladii kala danbeeyay ee ka dhacay jiidaha Sool iyo Buuhooodle.
* Qodobka sadexaad oo ah in la qeybsado awooda iyo manaasiibta dalka, Dhulbahantena la siiyo saamiga uu xaqa u leeyahay ee uu kaga mid noqon karo Somaliland,qodobkaasna waxaa la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aqbalay balse uu isla goobta ugu saarey gudi farsamo oo wasiiro golihiisa ka mid ah oo soo jilciya qodobkaas si awood qaybsi siyaasadeed u suurtogasho,miiskana la soo dhigo mansabyo iyo saami ay ku qanci karaan beesha Dhulbahante inkastoo la aaminsan yahay in beesha Dhulbahante weligoodba u dhaxayn doonaan Puntland,Somaliya iyo Somaliland,oo aanay dhinac keliya ku negaanayn,una kala dabqaadi doonaan dhinacyadoo dhan, guurguur siyaasadeedna ka madhnayn.
* Sida xogaha Shebekada Qaran-news ka heshay qasriga madaxtooyada tibaaxayaan waxaa intaas dheer qodob kale oo Afraad oo xasaasiya oo ku saabsan in khasaarihii dagaalkii Kalshaale naf iyo maalba xukumada Somaliland bixiso maadaba dadka laba geesood ku dhintay iyo hantida ku burburtayba masuuliyadooda iyo badbaadintoodaba iyada xil ka saarnaa.
Isku soo wada duuboo sida shebekada Qarannews ilo doori u xaqiijiyeen Saleebaan Xagaltoosiye ayaa la filayaa in markuu qalinka ku duugo heshiiskaa hordhaca ee afarta qodob ka kooban wixii ka danbeeya uu u baqooli doono dhankaa iyo Buuhoodle isagoo horkaci doona raxan gaadiida oo qaadi doona ku dhawaad 120 Maxbuus oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante. Sidoo kale ayaa la filayaa inuu Xaglatoosiye halkan ka sii qaado lacag iyo kharashaadkii hawsha heshiiska dhankiisa lagu furdaamin lahaa maadaaba carqalado horyaalaan,Baabuur cusub (sadex Land-cruiser) oo Madaxweyne Siilaanyo hadiyad shaqsi u siiyey iyo weliba sooryooyin ganacsato ay ood-wadaag yihiin ku maamuseen.
Source Qarannews
