Muqdisho(Subulahanews)Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo amaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada amniga iyo Booliska AMISOM ay bilaabeen howlgalo ay hubka uga dhigayaan dadka hubka sharcidarada ah ku wata magaalada Muqdisho iyo goobaha laga xoreeyay maleeshiayadda shabaab.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka C/samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo maanta ka qeyb galay barnaamijka kulanka Jimcaha ee ka baxa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in wasaaradu ay diyaarisay qorshayaal sare loogu qaadayo ammaanka dalka gaar ahaan meelaha cusub oo ay la wareegaan ciidanka XDS si loo xaqiijiyo ammaanka goobahaasi.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ciidamada AMISOM lagu soo kordhiyo qeyb Boolis ah si ay gacan uga geystaan ammniga una taageeraan ciidanka booliska Soomaaliyeed haatana ay ka howlgalayaan magaalada Muqdisho.

Mudane C/samad Macalin Maxamuud wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ayaa carabka ku dhuftay in ciidaamada Booliiska AMISOM iyo kuwa dowladda ay bilaabeen hub ka dhigis ay ku sameyeen dadka sida sharcidarada ah ku dhax wata gudaha magaaladda.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa wadday mudooyinkii ugu dambeeyay qorshayaal sare loogu qaadayo amniga dalka maadama ay caasimadda u diyaar garoobayso in lagu qabto shirarka iyo doorashooyinka ka dhici doona gudaha caasimadda.

muqdisho

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook