Hargaysa(Subulahanews)Madaxda Afrika marka la soo doorto ee ay cusub yihiin intooda badan kama badbaadan in ay ku dhacan dabin ka ah doonista in ay si deg deg ah wax badan qabtaan (seeking too much too soon) iyaga oo aan ka fiirsan, wax daraasad ahna aan ka samayn, isla markaana aan loo dejin wax qorsha ah oo lagu meel mariyo ama ku salaysan awooda dalka.
Mashaariicda sida lab la kac ah loo aloosaa waxay ku dambeeyaan fashilaad iyo weliba in ay sahaydaan ama galaftaan wixii hore ee jiray. Madaxdu mashaariicda noocan ah waxay ka leeyiin laba u jeedo oo kala ah bal in ay wuxuun ka fuliyaa balan qaadyadii faraha badnaa ee wakhtigii ololaha doorashada iyo in ay isku muujiyaan in ay yihiin madax dacaad ah oo dadka wax u qabanaya siiba bulshada danyarta ah.
Haddaba wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada Md: Maxamed Xaashi cilmi oo ka mid ahaa xukuumadii cusbayd ee madaxweyne silaanyo wuxuu si fudud ugu dhawaaqay in dawladu lacagtii ka dhaaftay dugsiyada hoose/dhexe iyada oo aan lagala tashan madaxda iyo khubarada wasaarada waxbarashada. Wada tashi badan ka dib xataa haddii laysku raaco waxay ahayd in uu madaxweynuhu ama wasiirka waxbarashada & iyo tacliinta sare si rasmi ah ugu dhawaaqo.
Haddii ay ujeedadu ka ahayd in caruur tiro badani fursad u helaan waxbarasha hoose, waxa loo baahan yahan in la diyaariyo macalimiin u dhiganta tirada ardayda, in la dhiso dugsiyo cusub, buugag iyo qalabka kale ee ardaydu u baahan tahay.
Madaxweynaha JSL iyo raga kaleba waxay u soo joogeen siyaasadii waxbarashada ee rajiimkii Maxamed Siyad Bare iyo wixii laga dhaxlay, waxay gaadhay heer ah in ardayga ka baxay dusiga dhexe uu macalin ka noqodo dugsiyada dhexe.
Waxa kale oo aanu la soconay jahawareerkii ku dhacay nidaamkii waxbarasha kiiniya markii 2003 madaxweynihii la soo doortay Md: Mwai Kibaki ku dhawaaqay in uu bilaash ka dhigay waxbarashadii dugsiyada hoose hase ahaate laga ma fakerin xilna layskama saarin saamaynta ay ku yeelan doonto tacliinta kiiniya.
Mudo gaaban waxa aad u kordhay tiradii ardayda, waxa loo waayey barayaal ku filan, waxa buux dhaafay fasaladii, waxa gabaabsi noqday agabkii waxbarashada. Si kastaba ha ahaate Somaliland waalidinta ardaydu waxay bixin jireen lacag u dhiganta hal iyo badh doolar ilaa laba doolar bishiiba isla markaa waxa “free” ahaa ugu yaran 15% dugsi kasta oo isugu jira kuwo aad u danyar ah iyo mid ka mid ah dhawr walaalo ah sidaa daraadeed waxa la odhan karaa markii horeba waxay ahayd bilaash hase yeeshee lacagta yar ee la qaadaa waxay lahayd waxtar badan, waxay dabooli jirtay baahiyo tiro badan iyo adeegyo lagama maarmaan ah. Maamulayaasha labada gelin shaqeeya waxay ka qaadan jireen guno yar maadama aanay guno xil aanay ka helin wasaarada.
Maamulaha dugsigu lacagta macalimiinta wuxuu ugu qaybin jiray hadba sida ay xiisadaha u galaan ama sida ay wakhtiga u dhowraan , waxa mushahar laga siin jiray qaar ka mid ah ilaaliyeyaasha iyo nadiifisooyinka dugssiga, waxa laga bixin jiray laydka iyo biyaha, waxa laga samayn jiray kuraasida, miisaska, daaqadaha iyo albaabada jajaba. Lacagta qayb ka mid ah waxa loo qoondayn jiray “activities-ka” dugsiga sida safarada aqoon-korodhsiga, ciyaaraha, kediska ama doodaha ardayda loo qabto iwm. Dawladu waxba uguma ay tala gelin kaalintan banaanaatay iyo dhibaatadan la soo deristay dugsiyada. Waxa iyana wax lala yaabo ah in lacagta sidii hore looga qaado gobolada marka laga reebo gobolka Hargeisa iyo magaalada Boorama.
Dhinaca kale mushaarkii loo kordhiyey shaqaalaha iyo ciidamada ee ahaa 100% macalimiinta waxba u may kordhin sababta oo ah waxa laga jaray seddex boqol oo kun waxaana loo kordhiyey seddex boqol oo kun.
Si kasta ha ahaate waxa hoos u dhacay tayadii waxbarasha oo markii horeba ka hoosaysay heerkii la doonayey sida ku xusan buuga Qorshaha Horumarinta Somaliland (2012-2016). Waxa laga dayrinayaa nadaafada guud (sanitation) ee goobaha waxbarashada.
Talo bixin:
In laga noqdo waxbarashada bilaashka ah laga bilabo sanad dugsiyeedka cusub (2012-2013), waaxan u malaynaya laba sanadood tijabo inoogu filan. Madaxweyne madaxdu in ay khalad gashaa ceeb ma ha, in khaladka lagu sii adkaystaa ceeb ah.
In macalimiinta mushaharka loo kordhiyo waayo iyaga waxba looma kordhin balse wax baa ka go’ay. In maamulayaasha dugsiyada loo qoro guno xil iyada oo loo eegaayo sida ay u kala arday badan yihiin iyo in la xoojiyo kormeerka guud si loo helo xog sugan iyo xaalada dhabta ah ee waxbarasha dalka.
Cabdiraxman cadami
Abdirahmanadami@yaho0.com
Hargeisa-Somaliland.
