Muqdisho (Subulahanews)–Warar aanu ka helnay Muqdisho ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM ay gurigiisa kala baxeeyeen Raizul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo

AMISOM ayaa Faramajao u qaadatay dhinaca Xarunta Xalane halkaas oo ay kulan Deg Deg ah kula qaadatay kaasoo ku aadanaa arimaha amaanka iyo joojinta Dibad baxyada ay dhigayaan Taageerayaashiisu

Warar hore usoo baxay ayaa sheegayaya in Farmaajo loo hanjabay xoogna looga saaray gurigiisa ,balse hada warar aan ka helnay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Faamaajo uu ogolaaday shuruudo ay ku xidheen Ciidamada AMISOM lana filayo in la sii daayo.

Wali si rasmi ah looma oga Sharuudaha ay AMISOM ku xidheen Farmaajo, hasa ahaatee arimahan ayaa kusoo aadaya xili uu Muqdisho doraad uun uu ka soo degay, iyadoo Dadweyne fara badan oo tagaeerayaal u ahina kusoo dhaweeyeen dibad baxyo farxadeed inkastoo markii dambe la rasaaseeyay lana dilay Qaar kamid ah Taageerayaashiisa.

Dhinaca kalena Guddida xulista baarlamaanka cusub ee loo samaynayo dalka Somaliya ayaa awoodi waayey inay shalay soo wada gudbiyaan liiska xubnaha xildhibaanada baarlamaanka oo tiradoodu dhan tahay 275 xubnood, balse waxay guddida hubinta shuruudaha xildhibaanada u gudbiyeen 184 Mudane oo kaliya.

Golaha odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka cusub ee Somaliya oo culays badan ay ku hayaan siyaasiyiinta ka midka ah dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya iyo waliba siyaasiyiinta saamaynta ku leh dalkaasi oo ay ku jiraan shakhsiyaad hore baarlamaanka uga mid ahaa, ayaan ilaa hadda sheegin wakhtiga ay soo dhamaystirayaan tiradda xildhibaanada cusub ee Somaliya, inkasta oo wakhtigii loogu tallo-galay in la wada gudbiyo shalay ku ekaa.

Dib u dhacan iyo jaha-wareerka ka jira soo xulista baarlamaanka cusub ee Somaliya ayaa waxa war-bixin ka soo saaray Qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Afrika oo isha ku haya sida wax u socdaan, waxayna walaac ka muujiyeen inay jiraan dad doonaya inay dib u ridaan soo af-meerida xiliga ku meel-gaadhka ah iyo waliba wakhtiga loogu tallo-galay in si rasmi ah loo dhaariyo baarlamaanka cusub, waxayna sheegeen inaan la aqbali Karin wixii ka hor-imanaya dedaalada lagu doonayo in Somaliya dawlad rasmi ah loogu dhiso.

War-bixinta oo qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Afrika Jimcihii shalay soo saareen ayaa lagu sheegay inay jiraan dad laaluush iyo cabsi galin u adeegsanaya sidii loogu dari lahaa xubnaha baarlamaanka cusub ee Somaliya, balse waxay ugu baaqeen Odayaasha dhaqanka iyo guddida hubinta shuruudaha xildhibaanada inay ka taxadiraan waxyaabahaasi oo aan baarlamaanka lagu darin ashkhaasta ku caanka ah dhibaatada “Waxaanu ka walaacsanahay soo xulida xubnaha baarlamaanka cusub ee Somaliya, inay jiraan dhibaatooyin iyo shakhsiyaad doonaya inay carqaladeeyaan habka imika socda, waxaanu ku jirnaa meelihii ugu dambeeyay marka la eego jidka nabada ee Road-mapka, talaabo kasta oo wax u dhimaysa ama dib u ridaysa arimahaasi ama wax waxyeelo kale u gaysanaysaa waxa ay noqonaysaa wax aan la aqbali Karin, waxaanu qabnaa aragtida ah in Somalidu wax badan dhibaatooyin ay soo mareen, sidaa daraadeedna aan loo baahnayn inaan mugdi la galin mustaqbalkooda, imikana waxay haystaan fursadii ugu waynayd ee ah sidii loo taageeri lahaa qaabka nabada ee imika socda, si Somaliya uga baxdo dhibaatadii 20-kii sanadood ee u dambeeyay ay soo maraysay oo dhiig badani ku daatay, dhiigaasi oo Somalida, ciidamada nabad ilaalinta Amisom iyo xoogaga kale ee isbahaysigu naftoodii u huray sidii nabad looga dhalin lahaa Somaliya”ayaa lagu yidhi war-bixinta Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, taasi oo intaa ku dartay “Warar laga soo xigtay ilo-xog ogaal ah ama Somalidaba ayaa sheegaya inay jiraan dad doonaya inay ku kacaan falal laaluush iyo cabsi galin ah iyo xitaa iska hor-imaadyo si ay saamayn ugu yeeshaan soo xulashada baarlamaanka cusub, doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo ta Madaxwaynahaba, waxaanu cadaynaynaa inaanu aad uga walaacsanahay in xitaa golaha odayaasha ee soo xulaya xubnaha baarlamaanka cusub iyo guddida hubinta Mudanayaasha in laga dhiganayo bar-tilmaameedyo”

War-bixintan waxa kale oo lagu yidhi “Waxaanu si adag u sheegaynaa in xubnaha hubinta shuruudaha xubnaha baarlamaanka in aanay baarlamaanka soo galin dadka lagu yaqaano dabiile-nimada, dagaalada iyo cabsi galinta, kuwaas oo imika adeegsanaya laaluush, musuqmaasuq iyo farsamooyin kale oo siyaasadeed, laakiin loo baahan yahay in aanay ku soo noqonin baarlamaanka”

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook