Hargeysa (Subulahanews)-Hogaamiyihii Maleeshiyadda SSC Dr: Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye oo fulinaya mid ka mid ah ayay isaga iyo Saraakiil ka tirsan Xukuumaddu shalay guda galeen siduu uu ula wareegi lahaa Maxaabiistii Beeshiisa ee lagu qabtay dagaaladdii Ciidamadda Somaliland iyo Maleeshiyadiisa ku dhex maray Aagaga Buuhoodle ee ku jiray Xabsiga Mandheera halkaas oo uu shalay ku soo tirsaday.
Sidoo kale waxa ay wararka aanu ka helayno Fuilinta qoddobadii ay isaga iyo Xukuumaddu ku Heshiiyeen oo Warbaahinta iyo Bulshadaba laga qariyay sheegayaan in qoddob kale oo ahaa in Ciidamadda laga soo raro Jiida Buuhoodle ee ay degan yihiin Amar ay Xukuumaddu ku bixisay in lagu soo celiyo fadhiisimadii hore ee ay deganaayeen intaanay dagaaladdu dhicin.Taasoo ay qorshaheedii bilaabeen Ciidamaddu sida aanu ku helnay Warar hoose. Labadan qoddob oo ka mid ahaa sida ay wararku sheegayaan Afar qoddob oo ka soo duulay Heshiiskii ay Xukuumadda iyo Xagla toosiye wada galeen waxay noqonayaan labada qoddob ee ugu culus ee saamaynta tooska ah ku yeelanaya Qaranka iyo dhibaatooyinkii ka dhacay dagaaladii lagu riiqday ee ay ku Naf iyo Maal-ba waayeen dad badan oo ka tirsan labada dhinac, gaar ahaana Ciidamadda Somaliland oo ay Askar iyo Saraakiiliba kaga baxday kuwaas oo aan Agoontoodii iyo dhaawacoodiiba Cabashooyin badani ka soo baxayeen Eheladooda dagaaladdii kadib.Saraakiil ka tirsan Ciidamadda oo Waaheen xalay la xidhiidhay ayaa sheegay in uu jiro Amarka ay Xukuumaddu ku bixisay soo qaadida Ciidamadda Somaliland, waxaanay sheegeen inay arrintaasi tahay mid lagu hawlan yahay halkii Ciidanka loo soo rari lahaa, iyagoo ka gaabsaday inay wax faallo ah ka bixiyaan arrintaasi cawaaqib keeda. Iyagoo ka war war qabay maadaama Maleeshiyooyinkii xagla toosiye ka soo horjeeday Heegan u yihiin haddii la soo raro inay soo weerari doonaan Goobaha laga soo qaadayo Ciidanka Hase yeeshee Sida uu Waaheen u xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Meygaagle waxa la soo rarayaa maanta Gelinka Danbe isaga oo sheegay in Fadhiisin looga diyaariyay deegaanka Hadhla oo u dhaxaysa tuuladda Maygaalge iyo Qorulugud.Halkaas oo ah goob ku beegan badhtamaha Dhul daaqsimeedka ay wadaagaan Beelihii ku dagaalamay Kalshaale.Rarista Ciidamadda Qaranka ee Jiida Sool-joogto iyo Meygaagle ee Warku sheegayo in maanta dib loo soo qaadayo ayaa xalay magaaladda iyo Goobaha lagu kulmo ee siyaasadda lagu falanqeeyo si weyn la iskula dhex marayay, waxaanay hadal haynta ugu badan ahayd in qorshahaasi yahay mid lagu deg degayo haddii uu jiro. Waxaanay inta badan u sibir saarayeen in aya Xukuumaddu wakhti siiso Heshiiska isla markaana ku tijaabiso qoddobada ka fudud ee ay wada galeen iyaga iyo xagla toosiye. Sidoo kale waxa la isweydiinayeen Ciidamadda Qaranka ee dhibaatadda badani ka soo gaadhay deegaankaasi maxaa lagu qancinayaa haddiiba Hogaamiyihii Kooxda ka soo horjeeday loo fulinayo wixii uu qabsadayba.Iyada oo aan lahaynin damaanad muujinaysa in Xagla toosiye marka loo fuliyo hawlihiisa baajinaysa weeraro kale inaanay qabsanayn dadka Deegaanka iyo Ciidamadda Qarankaba.
Si kasta ha ahaatee waxa laga dhur sugayaa halka ay ku danbeeyaan qoddobada lagu heshiiyay oo aan wax badan laga ogayn ama xukuumaddu ka meeraysanayso.Maadaama uu shakhsi kaliya ama beesha xagla toosiye tahay ta kaliya ee la heshiisay Xukuumadda halka Beelaha kale ee aan ahayn jufadiisu ay ka diidan yihiin wadahadalada iyo Heshiiska ama aanu isagu sooba bislaynin.
Source:Waaheen
