
Muqdisho(Subulahanews)Cutubyadii ugu horeeyay ee ciidamo Boolis ah oo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay xarunta gaadiidka Booliska kadib munaasabada uu ka qaybgalay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Munaasabadii lagula wareejinayay ciidamada Booliis ee ka socda ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay ciidanka AMISOM iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in ujeedada ciidanka boolis ee ka socda AMISOM ay tahay sidii gacan ay u siin lahaayeen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan xiliyada soo socda oo uu dalka gali doono marxaalada shirar iyo doorashooyinka madaxtinimo ee dalka.
C/samad Macalin Maxamuud ayaa intaa ku daray in ciidamada la geyn doono goob waliba oo ay ka howlgalayaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed si ay u ugala shaqeeyaan amaanka wadanka.
