Muqdisho(Subulahanews)Dowladda waxay si xoog leh u cambareyneysaa dilka qorsheysan ee loo geystay agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta u qaabilsanaa xiriirka saxaafadda, marxuum Yuusuf Cali Cismaan (Yuusuf Fareey), oo maanta gelinkii hore lagu dilay xaafada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, kadib markii ay soo weerareen rag bastooladdo ku hubeysan

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed in uu ka xun yahay dilkii loo geystay agaasimaha, “Waxaan si gaar ah uga xun nahay dilkii saaxiibkeen, Yuusuf Cali Cismaan, oo ahaa agaasime howlkar ah oo wax badan ka qabtay Wasaaradda Warfaafinta” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo intaas ku daray ayaa yiri, “Waxaan cambaareyneynaa dilka waxshinimada ah ee loo geystay muwaadin usoo taagnaa horumarinta dalkiisa iyo dadkiisa muddo ka badan 30 sano.” Dowladda waxay tacsi u direysaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka, asagana waxaa Ilaah looga baryayaa in naxariistii janno ka waraabiyo.

Marxuumka Yuusuf waa kii ugu danbeeyay ee lala beegsado dil qorsheysan, taas oo dhawaanahan lagu hayay shaqsiyaad waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed, sida shaqaalaha dowladda, saxaafadda iyo bulshada rayidka. Dowladda waxaa ka go’an in dabagal lagu sameeyo kooxaha caasimada ka fuliya dilalka qorsheysan ee argagixisada ah.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook