Hargaysa(Subulahanews)Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta si Rasmi ah u soo saareen una shaaciyeen in Doorashada Golayaasha Deegaanka ay qabanayaan sideed iyo labaatanka bisha November.

Af-hayeenka Guddida Doorashada Maxamed Xirsi Geelle oo saxaafadda kula hadlay caawa Hotelak Maansoor ayaa sidaas shaaca ka qaaday.

Arrintan ayaa ka danbaysay markii ay Baarlamaanku Ansixiyeen in DooRASHADA Golaha Deegaanka lagu galo Tirooyin halkii Awal Musharaxiinta looga samayn jiray Calaamaddo.

Komishanka Doorashooyinka ayaa isa maantaba bilaabay hawlihii ay ku qaban lahaayeen Doorashada waxaana Xaruntooda Guud laga dareemayay dhaqdhaqaaq Xoogan.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook