Burco(Subulahanews)Ka Dib markii galinkii hore ee maanta ciidamada Somaliland dib uga soo guureen fadhiisimadii ay ku lahaayeen aaga Sool-joogto, ayaa markiiba u soo waydaartay Maleeshiyaadkii Khaatumo oo soo deggay fadhiisimadii ay ciidamadu ka kaceen.
Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkan oo hore u fadhiyey deegaan aan wax badan u jirin deegaanka Sool-joogto ayaa lagu soo waramayaa in markii ay ka war-heleen in ciidamadii qaranku ka guureen halkaasi ay saacado ka dib halkaasi oo deggeen.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in inkasta oo ciidamada qaranku halkaasi uga guureen heshiiskii nabadeed ee Xaglo-toosiye iyo xukuumadda Somaliland, haddana Maleeshiyaadka reer Buuhoodle ee taabacsan nabad-diidka khaatumo ayaa fadhiisimo cusub ka yagleeshay halkaasi.
Dhanka kale, Guddoomiyaha kooxda SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo shalay loo siidaayay Maxaabiis dhamayd 68, ayaa gaadhay Magaaladda Buuhoodle, isaga oo sii maray deegaanada Maygaagle iyo Sool-joogto oo ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadkii hore dagaalada ula galay ciidamada qaranka.
Saleebaan Xaglo-toosiye oo la hadlay dadkii reer Maygaagle oo ku soo dhaweeyay calanka dalka Soomaliya ayaa ku baaqay in nabadgalyada la ilaaliyo, isaga oo sheegay inaan loo dul-qaadan doonin cidii nabada qasaysa “Nabada in la ilaaliyaa waa waajib, waynuna ilaashanaynaa, kii nabada qasayana aynu qabano, cidna ugu dul-qaadan mayno nabada”ayuu yidhi isaga oo intaasi ku daray “Nabad bilaa shuruud ah ayaan idiin keenay ee waa inaynu nabada ilaashano, nabad-diid dooni-mayno, wiil dambana halkan ku dhiman maayo”
Saleebaan Xaglo-toosiye, waxa socdaalkiisa ku wehelinayey ergadii nabadeed ee hore Hargeysa ula timid iyo Maxaabiistii shalay la siidaayay.
