Allaha u naxariistee Yuuusf Cali Cismaan ‘’Yusuf Farey’’ oo ka tirsanaa Howl wadeennada wasaardda Warfaafinta, islamarkaana ahaa wariye caan ah oo muddo dheer ka soo shaqeeynayay saxaafadda ayaa saaka lagu dilay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.
Marxuum Yuusuf Cali Cismaan ayaa kooxo Bistoolado ku hubeysani saaka ku dileen gudaha garaash ku yaalla degmada Dharkeynley oo uu ugu xareysnaa gaarigiisa xilli uu doonayay in uu kala soo baxo gaarig. Garaashkaasi.
Goobjoogayaal ayaa Radio Muqdissho u sheegay in nin Bostoolad ku hubeysan uu Yuusuf Fareey ku dilay gudaha garaashka kadibna uu baxsaday in kastoo ciidamada ammaanka ay goor dambe goobta soo gaareen.
Allaha u naxariistee Yuusuf Fareey waxa uu ahaa mas’uul ka tirsanaa howl wadeennada wasaaradda Warfaafinta, isagoo muddo dheer ka soo shaqeeynayay Radio Muqdisho waxa uuna ka mid ahaa wariyayaasha fara ku tiriska ahaa ee dalka ku haray muddadii Labaatanka sano aheyd ee dalku dhibaatada ku jiray.
Isla maanta ayaa lagu wadaa in Allaha u naxariistee Yuusuf Cali Cismaan lagu Aaso Muqdisho, waxaana dilkani uu qeyb ka noqonaya dilal malleeshiyaadka shabaab ay ku qaarijinayeen dadka Soomaaliyeed ee waxtarka leh gaar ahaan bahda saxaafadda.
Inna Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
