Hargaysa(Subulahanews)La Taliyaha Madaxwaynaha ee arrimaha bariga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde ayaa sheegay in shacbiga deegaanada Sool iyo Buuhoodle 21 sano ay dib u dhaceen, isla markaana xaqooda ay cunayeen beelaha dhexe ee Somaliland, kaas oo sidoo kale soo dhaweeyey go’aankii xukuumadda Somaliland kaga aqbashay Xaglo-toosiye iyo Waftigiisii in la sii daayo Maxaabiistii laga hayey, isla markaana si nabad looga helo deegaanada Buuhoodle tanaasulaad badan loo sameeyo.

Fu’aad Aadan Cadde waxa uu sidaas ku sheegay waraysi Khaas ah oo uu Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo ku sugan degmadda Xudun ee gobolka Sool, kaas oo sheegay in loo Xasilooni laga helo deegaanada bariga loo maray wado sax ah, kuna baaqay in marka hore la Nabadeeyo deegaanada Buuhoodle oo uu ku tilmaamay aagag mihiim ah.

La Taliyaha Madaxwaynaha ee arimaha bariga Somaliland Mr Fu’aad waxa uu sidoo kale soo dhawaajiyey heshhiiska Xaglo-toosiye uu la galay xukuumadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid u muuqda in lagu guulaysanayo, isla markaana deegaanada Buuhoodle u horseedi kara horumar iyo adeegyo ay hore uga qatanaayeen.

Fu’aad Aadan Cadde waxa kale oo uu ka hadlay Xildhibaanimada Cali Khaliif Galayd u doontay Somalia, kaas oo sheegay inaanay Cali waxba u oolin Xamar, kuna dooday in waxa uu Somaliland ka waayey inaanu ka helaynin Koonfur. Fu’aad Aadan isaga oo arimahaas iyo kuwo kale oo badan ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan hada ku suganahay degmadad Xudun oo aan u tagay waxoogaa dhibaato ah oo ka dhacday oo dilal iyo wax la mid ah oo ku saabsan nin la dilay iyo nin kale oo la dhaawacy oo aan Insha Allaah Rajaynayo inuu Ilaahay khayr noogu dhameeyo si fiicana imika noogu socda”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Anigu maalintii hore ee Xaglo-toosiye iyo Waftigiisii lagu soo dhawaynayey Caynabo iyo Oog-ba waan joogay, maantana Maxaabiistii ayaa la socotay oo waxan kaga hortagay meesha la yidhaahdo Kiridh oo waanu isa soo raacnay oo waxaanu nimid Caynabo, saakana waxa noo yimid Wasiiradii soo galbinayey Waftiga oo oo ay la socdeen Janankii Ciidanka Qaranka iyo Janankii Ciidanka Asluubtuna way noo yimaadeen oo reer Buuhoodle oo dhawr boqol oo qof ahina way joogeen goobtaas, isla markaana Madaxdhaqmeed badanina way joogeen, halkaasna qudbado ayaa la is waydaarsaday oo waa lagu duceeyey wixii meeshaas ka dhacayna waxa uu ahaa Khayr. Maxaabiistii reer Nugaaleedka ahaydna waxa loo gudbiyey Laascaanood qoladii kalena waxa loo galbiyey dhinaca Buuhoodle, waxaana la sii marinayey sida aan maqlay Qoru-lugad oo Nabada lagu daahfurayo, isla markaana lagu sii adkaynayo, markaa khayrkaa iyo wanaagaas dhacayba aad ayaan u soo dhawaynayaa oo aan ugu faraxsanahay, mida kale anaga xagayaga bariga woxogaa shaqaaqo ah ayaa jirta laakiin waxa haboon in ta Buuhoodle la horaysiiyo, arintaasna waan ka maahmaahay oo waxaan idhi baribaa waxa is laayey nin reer Xamar ah iyo nin reer Mudug ah, isla markaana aad ayaa loo kala qabtay oo nin walba ilaa 30 nin ayaa qabtay oo ninkii reer Xamarka ahaa ayaa yidhi anigu dhib ma wado ee isii daayey oo ninkii reer Mudug ayaa dhib badane ninkaas reer Mudug dhamaantiin iskugu taga. Markaa waxaan leeyahay waar anaga qoladayada Laascaanood aynu danbaynee dhamaanteen aynu iskugu tagno Nabada Buuhoodle, markaa imika Alxamdulilaah arintu meel fiican ayey maraysaa oo dad iska qalaanqal jecelina way jiraan laakiin nabada cidna loogama baqdo, cidna loogama danbeeyo. Waa in ninka Nabadgalayaa uu ku talo galaa Walaahi way na soo martaye waxa dhib badan oo kharash badan Nabada laakiin aakhirka khayr ayey ku danbaysaa, markaa waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu inagu asturo Nabadaas ay Madaxwaynaha iyo Saleebaan Xaglo-toosiye ay bilawgeeda lahaayeen Alle-na ha ina garad siiyo faa’idada Nabadgalyadu Bulshada u leedahay”.

La Taliyaha Madaxwaynaha ee arimaha bariga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde isaga oo ka hadlaya ujeedada ay Hargeysa u yimaadeen waftigii Xaglo-toosiye, waxa uu yidhi “Qofbaa Nabada dhaliya oo Qofbaa Colaada dhaliyee Ilaahay waxaanu ka baryeynaa in Xaglo-toosiye sidaas uu ugu dhiiraday ee u Nabada ugu badheedhay in Alle la qabto, isla markaana Madaxwaynaha iyo Ummaduba ay la qabtaa oo wayna hirgalaysaa oo waa la arkaa wixii loo rafaado ee khayr laga doonayo, isla markaana Xaglo-toosiye iyo Madaxwayne Siilaanyo iyo intii ka qaybqaadatay arintaasna waanu u ducaynaynaa”.

Fu’aad Aadan Cadde mar uu ka hadlayey beeshiisa iyo waxay ku sugnayd 21-kii sano ee Somaliland jirtay, waxa uu yidhi “21 Sano ayuuu Dhulbahante dib u dhacay oo 21 Sanadood ayuu Isaaq woxoogii cunayey, oo waligiiba Isaaq ama Madaxtinimo ha noqoto ama Horumar kale ha noqotee waxay doonayeen inay iska Malafsadaan. Qolada Dhulbahante ayaa qaar badan oo ka mid ah yidhaahdaan tolow Isaaq wax ma noo ogol yahay oo baryadaa intay joogtana waxba lama ogola oo waxay noqonaysaa in ninka Geelaagii haysta aad ku qabsato. Mida kale waxaan imika rajaynayaa in Dhulbahante iska daayo tolow Isaaq wax ma noo ogol yahay Isaaq-na garto in dalka lala leeyahay oo ay ka baxaan Jilib Jilibkan hoose ee wax loo eegayo”.

Fu’aad isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Adeer dhulka qaar waxa laga hadlaa intaas oo Jaamacadood iyo Horumar iyo arimo la mid ah laakiin halkan waxaas lagagama hadlo oo anigu hada halkan aan joogo ee Xudun waxay ka mid tahay degmooyinkii hore oo Iskuulkii Ingiriiskii ka tagay ee ku yaalay ayaaba dumaya wax kale iska daayoo, isla markaana Gaalku marka uu dalka yimaado dhalinyaro ayaa u shaqaysa oo waxa lagu odhanayaa hadii aad dhulkaas tagto waa lagu cunayaa, mid UN-ka ka shaqeeya oo meel uu jooga aanaan garanaynin oo yidhaahda bari lama tagi karana wuu jiraa. Markaa waxaan leeyahay anigu waar wax kale ha na soo gaadhee Iskuulada iyo MCH-yada uun bal wax nagala qabta”.

Fu’aad Aadan Cade mar wax laga waydiiyey sida uu yahay xidhiidhkan wakhtigan ka dhaxeeya isaga iyo Madaxwayne Siilaanyo oo la sheegay inaanu wanaagsanayn ayaa waxa uu su’aashaas kaga jawaabay “Aniga iyo Madaxwaynuhu ismaanaan qabanin oo waliba way jiraan xidhiidho hoose iyo Xididnimo, Ehelnimo iyo Saaxiibtinimo badan ayaa naga dhaxaysa, markaa ismaanaan qabanin isna qabanmayno runtii. Laakiin hadii inta talada lagagu Magacaabo hadana aan waxba lagu waydiinin wax badan dadku way is waydiin karaan oo inta badan way iska dhacdaa in Masuulka loo magacaabo meel ama Wasaarad aan wax saamayn ah lahayn waxna la waydiinin oo barigii aan ahaa Wasiirka Horumarinta reer Miyiga waanigii yidhi waar ha la baabiiyo meesha, markaa hadii uu Madaxwaynuhu talada kuu garan waayo macnaheedu maaha waad is qabateen, markaa aniga iyo Madaxwaynuhu ismaanaan qabanin oo Ixtiraam badan ayaa naga dhaxeeya oo aniguna waxaan is leeyahay wax ayuun baad tari lahayd Madaxwaynaha iyo dalkaba. Mida kale inta badan Madaxwaynayaashu waxay jecel yihiin in wax u hagaago oo xaq ayuu u leeyahay in kolba ninka uu u arko inuu wax u qaban karo ummada uu soo qaato taasina maaha mid aan ka xumahay ee waan ku amaanayaa oo Distuurka ayaa siiyey Ilaahayna darajadan isaga ayaa siiyey Madaxwaynaha oo anigu ma lihi maxaa wax la iiga dhigi wayey oo waatii wakhti hore oo ka hadlay arintaas yidhi Inan gumeedka dhabta ahi waa ninka marka uu Somaliland xilka ka hayo-na amaana marka uu ka tagana ka carara ee wax ka sheega oo anigu horta ninkaas noqon maayo”.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Horumarinta reer Miyiga Somaliland Mr Fu’aad Aadan Cade mar wax laga waydiiyey kala duwanaanshaha Siyaasada xukuumadda Siilaanyo iyo tii Rayaale ee ay ku saabsanayd Saamaynta ay ku kala lahaayeen deegaanada bariga, waxa uu yidhi “Nimanka wax qarqarxiya Laascaanood ee madaxa duubtaa maalinba maalinta ka danbaysa way soo kordhayaan oo ay soo badanayaan laakiin anigu waxyaabaha aan dhaliilayo waxa ka mid ah markii ay talada dalka haysay Dawladii Daahir Rayaale 23-ka degmo ee doorashooyinku ka dhaceen Bilays ayaa wada joogay laakiin degmadan aan anigu caawa jooga iyada oo aanay wax xumayn iyo ceebayn midna iga ahayn iyo dawladanuu wax ka sheegay hadana degmooyin badan oo degmooyinkii hore ka mid ah oo aanu caawa hal nin oo bilays ahi joogin ayaa jirta gobolkan oo sidaan hore kuugu sheegay Magaalada Xudun ee aan joogo hal nin oo boolis ahi ma joogo oo Milatari ayuun baa joogo Milatariguna waajibkoodu waa ka koowaad oo difaaca Qaranka, isla markaana dhulkan Somaliland ayaa iska leh waana fool xumo hadii aanay cidiba u joogin, markaa meelahaas oo kale dhaliili way jirtaa oo waa in dawladu dadkeeda iyo shacbigeeda soo dhexgasho. Markaa hadana marka la yidhaahdo Xudun, Taleex iyo Buuhoodle waa Somaliland isla markaana aanay dawladu u imanin bulshadan waxay noqonaysaa wax afka uun laga sheegtay, isla markaana wixii la tari lahaa ayaa meesha ka maqan oo ogaanshihii ayaa ka maqan”.

Ugu danbayn isaga ka hadlaya Masuuliyiinta uu Cali Khaliif Galaydh ka midka yahay ee Xamar u doontay Xildhibaanada, waxa uu yidhi “Ama Waqooyi ha la inoogu yeedho ama Somaliland ha la inoogu yeedhee anigu waxaan jeclahay in Koonfurna ay noqoto Koonfur, Waqooyina uu noqdo Waqooyi, waxaanan qabaa ninka dadkiisii ka tagay ee Somaliland ka tagay ee Xamar wax u doontay inuu dawakhsan yahay, waxaanan aaminahay inay dad lumis tahay, waxaanay runtu tahay in waxa Somaliland laga waayey aan Xamar laga heli doonin. Cali Khaliif Galaydhna runtii xaqiisii iyo wanaagiisu Somaliland ayuu yaalaa oo Xamar ma yaalo ee sidaas ha u ogaado”.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook