Boorama (Subulahanews)Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Axmed Cabdi Sidci, ayaa markii ugu horreysay si cad ugu dhawaaqay xaddiga mushaharka uu ka qaato dawladda uu ka tirsan yahay ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Sidci waxa uu daboolka ka qaday, isla markaana ku dhaartay inuu bishii mushahar u qaato boqol doollar oo qudha, arrintaas oo dad badan ku noqotay layaab, maadaama la aaminsan yahay in madaxda dawladdu bil kasta u xaadiraan mushaharooyin xad-dhaaf ah.

“Anigu waxaan ahayn Badhasaab. Wallaahi waan soomanahay oo been idiin sheegi maayee mushaharkaygu waa boqol doollar ($100),” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal oo ka hadlay xaflad sida ka muuqata muuqaal fiidiyow ah oo lagu baahiyey xalay shabakadda wararka internetka ee Boramanews.com.

Waa markii u horreysay ee masuul ka mid ah madaxda gobollada dalka Somaliland uu ku dhawaaqo inuu mushahar u qaato lacag yar oo faro guudkood ah, balse lama oga in Badhasaabka Awdal isku filaysiiyo boqolkaas dollar ee uu sheegtay inuu dawladda ka qaato iyo dhadhac dhac kale soo galo.

source Jumhuuriya.

http://www.jamhuuriya.info/view_article.php?article_id=18704

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook