Hadhla (Subulahanews)–Ciidamada Qaranka Somaliland ee mudada dheer fadhiisimada ku lahaa jiida Sool-joogto ee deegaanka Buuhoodle ayaa shalay galinkii hore halkaasi dib looga soo raray isla-markaana la soo dejiyay meel qiyaas ahaan u dhaxaysa Qoru-lugud iyo Maygaagle oo lagu magacaabo Hadhla.

Ciidamada Qaranka oo hore deegaanka Sool-joogto dagaalo qadhaadh ay ku dhex mareen Maleeshiyaadka reer Buuhoodle ee taabacsan nabad-diidka Khaatumo ayaa dib looga soo raray aagaasi ka dib markii todobaadkii hore xukuumadda Somaliland ee hogaamiyaha kooxda SSC wada gaadheen heshiis nabadeed oo bud-dhig looga dhigay ciidamada Qaranku ka soo guuraan jiidaha Sool-joogta isla-markaana la siidaayo Maxaabiis todobaatan ku dhow oo laga hayey Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, kuwaasi oo iyaggana ooda laga qaaday doraad.

Ciidamada Qaranka ee laga soo raray jiidaha Buuhoodle oo ay daganaayeen muddo sanad ku dhow ayaa guud ahaantoodba la soo dejiyey deegaanka Hadhla oo u dhexeeya Qori-lugud iyo Maygaagle, waxaana ciidamadan oo ka koobnaa ilaa todoba guuto oo fadhiisimo kala dambeeyay ku lahaa Aaga Sool-joogta ayaa guutooyinka qaarkood la dejiyay fadhiisimo looga diyaariyey meel aan ka fogeyn taliska ciidamada Qaranka ee duleedka Qori-lugud, sida uu noo xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidamada Qaranka ee shalay dib loo soo raray.

Sidoo kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in fadhiisimadii ciidamada qaranka laga soo raray ee Sool-joogto ay isla shalay soo deggeen Maleeshiyaadka reer Buuhoodle oo hore u joogay deegaano aan wax badan ka fogeyn Sool-joogto.

Warka ayaa intaa ku daraya in Maleeshiyaadkan oo la socday dhaqdhaqaaqa ciidamada qaranka halkaasi lagaga rarayo ay ka faa’idaysteen arintaasi oo ay markiiba ka soo ruqaansadeen jiidahoodii oo ay hadda deggan yihiin halkii ciidamada qaranku ka kaceen, sida noo sheegeen dad ku sugan deegaankaasi.

Talaabadan Maleeshiyaadka reer Buuhoodle ku soo deggeen jiidaha ciidamada qaranku ka guureen, ayaa muujinaysa inay kala madax-banaan yihiin heshiiska Saleebaan Xagla-toosiye la galay xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, isla-markaana Maleeshiyaadka taabacsan Nabad-diidka Khaatumo ay ajadayaal gaar ah wataan, inkasta oo Saleebaan Xaglo-toosiye loo fuliyey wixii uu qabsaday oo dhan si nabada la baadi-goobayo xukuumaddu hormood ka noqoto.

Wakhtiga Maleeshiyaadkani u soo guurayaan fadhiisimadii ciidamada qaranku ka soo guureen, waxa Magaaladda Buuhoodle lagu soo dhawaynayey Saleebaan Xaglo-toosiye, weftigiisii Iyo Maxaabiistii loo siidaayay.

Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka Somaliland ee laga soo raray jiidaha Buuhoodle ayaa mudadii ay halkaasi degganaayeen waxay galeen dagaalo ilaa shan gaadhaya, kuwaasi oo dhammaantood ka dhashay weeraro gaadmo ah oo Maleeshiyaadka reer Buuhoodle ahi ku soo qaadeen fadhiisimada hadda laga soo raray, waxaana dagaaladaasi oo kala dambeeyay ku qudh-baxay askar door ah, kuwaasi oo tiradooda aan rasmi ahaan loo ogayn, sidoo kalena waxa dhaawacyo ka soo gaadheen ciidamo badan, kuwaasi oo hadda qaarkood lagu dawaynayo cisbitaalada Magaalooyinka Burco iyo kuwo gaar loo leeyahay oo ku yaala Hargeysa.

Soo rarida ciidamada qaranka ee jiidaha Buuhoodle ayaa waxa shacabka ku abuuraya dareeno ay kaga soo horjeedaan talaabada xukuumaddu ku soo rartay, maadaama oo jiidaha hadda ay ka soo baxeen askar badan dhiigoodu ku baxay, iyadda oo khalad loo arko in deegaano dad rayid ahi colaado ka wadaan in si fudud go’aan loogu gaadho in laga soo raro, iyadda oo ay wali hubaysan yihiin Maleeshiyaadkii ciidamadu ku gudbanaayeen ee awalba dhibaatada badan ka waday jiidahaasi.

Sidoo kale, ciidamada qaranka ee amarka deg-dega ah lagu soo raray ayay arintani ku abuuri karaysaa niyad-jab ay ka qaadaan difaaca qaranka ee ay u dhaarteen, maadaama oo inta holaca la galiyo, haddana si fudud looga soo hor-qaadayo cidii ay la dagaalamayeen oo wali dagaal iyo colaad u heegan ah.

Source:Waaheen

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook