Muqdisho(Subulahanews)Agaasimaha Guud ee Hey’adda Nabadsugidda Qaranka iyo wafdi uu higgaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Seychelles magaalo madaxdiisa Mahe ayadoo booqashadooda ay ka danbeysey casuumaad ay ka heleen dawladda Seychelles gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha.

Agaasimaha hay’adda nabadsugida iyo mas’uuliyiinta dowladda Seychelles ayaa ka wada hadleen sidii loo xoojinlahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga hey’adaha kala duwan.

waxaana laga codsadey wafdiga nabadsugidda Soomaaliya sidii ay gacan uga siin lahaayeen ehelada labo qof
oo u dhalatay wadankaasi oo burcad badeed Soomaali ah ay afduub ugu heystaan gudaha dalka Soomaaliya muddo ku dhow sagaal bilood kuwaas oo xaaladdooda caafimaad laga soo deyrinayo iyadoo wafdigaasina ay soo dhoweeyeen arrintaasi.

Agaasimaha hay’adda nabad sugida qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen soo deynta dadka u dhashay wadankaasi.

dhanka kale agaasimaha hay’adda Nabadsugida ayaa mas’uuliyiinta dowladadaasi uu kala xaajooday sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista ku jirta xabiyada ku yaala wadankaasi kuwaas oo ku eedeysan in ay yihiin burcad badeed.

Waxaana isla maanta la sii daayay labo caruur ah kuwaas oo ku jiray xabsi ku yaala wadankaasi waxaana lagu kala magacaabaa caruurta la sii daayay C/raxmaan Yaasiin oo 11 sano jir ah iyo Cabdi Faarax Maxamed oo 12 sano jir ah kuwaas oo diyaarada ay leedaha UNka u qaaday magalada Garoowe.

Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta dowladda Seychelles siidaynta qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran wadankaasi isagoona rajo wanagsan ka muujiyay in la sii dayn doono kuwa kale oo harsan xabsiga.

 

 

 

 

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook