Hargaysa(Subulahanews)Maxaabiis reer Buuhoodle ah iyo kuwo Somaliland u dhashay oo maanta lagula kala wareegayo Oog

“Horta annagu saddex maxbuus baannu ogayn oo naga maqan, laakiin haday…”

 

“Waxa la gaadhaysa halkii u saraysay tanaasulka dawladda Somaliland u gashay nabadda, cidda la rabo inay hawlahaas iibisana waa…”

Waraysi khaas ah; Md. Axmed Xaaji Cali Cadami

 

 

 

Hargeysa (Jam)- Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka xog-warramay rajada xukuumaddiisu ka qabto in nabad buuxda laga hirgeliyo, isla markaana calanka Somaliland laga qotomiyo degaannada Buuhoodle.

Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu waramay xalay isagoo ku sugan magaalada Burco, waxa uu sheegay in Axadda maanta magaalada Oog lagula kala wareegi doono maxaabiista reer Buuhoodle ah oo Somaliland sii dayey iyo maxaabiis reer Somaliland ah oo lagu hayey Buuhoodle, kuwaasoo iyagana shalay xoriyadooda loo celiyey.

Wasiirka gaashaandhigga oo ugu horayn ka xogwaramay ujeedada xaflad maanta lagu qaban doono magaalada Oogo, waxa uu yidhi; “Weftigii Hargeysa yimi ee Xaglo-toosiye hoggaaminayey iyo maxaabiistii xasbiga laga sii daayey iyo madax-dhaqameedyo la socda ayaa berri (maanta) tegaya Buuhoodle, maxaabiistii la sii daayeyna caawa (xalay) waxay u hoydeen magaalada Caynabo oo saraakiil ciidanka asluubta ka tirsan iyo xubno kale ayaa wada. Waxa kale oo iyagana la sii daayey maxaabiistii dhaawacyada ahaa ee dhakhtarka ku jiray oo caawa (xalay) Burco ayey nala joogaan, markaa subaxnimada berri (maanta) ayaa la wada baxayaa oo waxa la isugu tagayaa magaalada Oog.

Waxa hadda Oog jooga odayaashii markii hore ay halkaas kaga yimaaddeen Xaglo-toosiye iyo wasiirraddii Somaliland iyo dad badan oo kale oo dhinaca Buuhoodle ka yimi oo nabadda danaynaya ayaa magaalada Oog jooga oo loogu tagayaa, halkaas ayaanna lagula kala wareegayaa maxaabiista Somaliland sii dayeysay oo arrimo badan oo nabadda khuseeya lagu falanqayn doonaa, marka kala wareeggaasi dhanaca weftiga Somaliland dib ayey u soo noqonayaan oo dhinaca magaalada Qori-ludug ayey tagayaan, qolada kale ee reer Buuhoodlena iyagoo maxaabiistoodii wata ayey Buuhoodle tagayaan.

Heshiiskan dhacaynwaa gogol-xaadhkii nabadda oo weli Buuhoodle dhibaatooyin baa ka jira oo kooxo nabad-diid ah ayaa jooga, markaa waxa loo baahan yahay in kaadhadhka maxaabiista lagu sii daayey iibsamaan oo nabad la helo,” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland.

Wasiirka gaashaandhiga oo Jamhuuriya weydiiyey su’aal ahayd ‘Dhibaatooyin badan baa ka taagnaa degaannada Buuhoodle, waxa ka jirtay colaad muddo dheer taagnayd, marka aad eegto wadahadalkan bilaabmay, rajo intee leeg baad ku qabtaan in Buuhoodle nabad buuxda ka dhalato oo calanka Somaliland laga taago. Waxa wasiirku ku jawaabay; “Rajadu ma xuma waxayna ku xidhan tahay hadba sida dunta dadku tahay oo ilaa xalay (habeen hore) shirar baa ka socday Buuhoodle oo is beddel baa ka jiray, marka aad eegto hadiyadaha maxaabiista ah ee weftiga reer Buuhoodle wadaan iyo in ciidankii qaranku dib uga soo baxeen ceelashii biyaha iyo duleedka Buuhoodle rajadu way fiicnaanaysaa oo wixii reer Buuhoodle codsadeen oo dhana waa loo fuliyey, wax intaa ka badan oo Somaliland bixin karaysay ma jirto oo waxa la gaadhaysa halkii u saraysay tanaasulka dawladda Somaliland u gashay nabadda, cidda la rabo inay hawlahaas iibisana waa cidda nabada rabta oo waqtiga iyo mudadu haba dheeraato, laakiin ugu dambaynta nabadda ayaa ka adkaanaysa cunfiga iyo qaska.”

Waxa kale oo Md. Axmed Xaaji Cali Caddami Jamhuuriya u sheegay in Axadda maanta la gudogelayo sidii ciidanka qaranka dib looga soo qaadi lahaa fadhiisimaha ay ku leeyihiin duleedka Buuhoodle, isagoo tilmaamay in Axadda maantaba inta u dambaysa ee ciidanka qaranka jiidaas laga soo qaadi doono.

Waxa kale oo jiraya warar sheegaya in afar maxbuus oo reer Somaliland ah oo in muddo ah lagu hayey Buuhoodle shalay la soo daayey, kuwaasoo la filayo in maanta lagu soo wareejiyo dhinaca Somaliland, iyadoo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland sheegay in saddex maxbuus oo qudhi Somaliland ka maqanyihiin.

“Horta annagu saddex maxbuus baannu ogayn oo naga maqan, laakiin haday afar noqdeen maaha wax u dhigma tirada maxaabiista Somaliland haysay ee la wareejinayo oo 68 maxbuus ah, markaa haddii maxaabiisteennu saddex yihiin iyo haday afar noqdeenba wax shaqo isku leh maaha marka loo eego tirada maxaabiista Somaliland sii daysay, markaa kolayba maxaabiista Somaliland waxa iyagana la keenayaa Oog oo hallkaas ayaa maxaabiista oo dhan lagula kala wareegayaa,” ayuu yidhi Md. Axmed Xaaji Cali Cadami.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook