Borama (subulahanews)Maanta subixii hore ayaa waxa magaalada boorama ku dhuftay dhul gariir xoogaan.

Dhul gariirkan ayaa geysan wax khasaare muuqda,dhul gariirkan ayaa ahaa mid cabsi badan kaasi oo dad badan ku riday argagax.

Hase ahaate dhul gariir ayaa ku soo dhawan magaalada boorama isaga oo mudo hore noqday mid caado ah oo ay dadku ka nixin.

Dhul gariirkan ayaa mid ka duwan kuwii hore kaasi oo maanta dhacay sacadihii uu dhaxaysay 8………9 subaxnimo.

Iyaga oo ay dadku ka soo dareereen guryihii ay ku jireen iyaga oo is lahaa malaha waxa soo socda mid kani ka weyn.

Sheekada ku saabsan dhulgariirkan ayaa ku wada baahday magaalada oo dhan, waxana ay dadku dhinacyo kala duwan u jiidayaan sheekada ku saabsan baaxada uu leekaa iyo sida lama filaanka ah ee uu u taabtay dadka, waxana la isku raacsan yahay in uu ahaa dhulgariir aad u naxdin badan oo taabtay dadka ku nool magaalada borama.

Si kastaba ahaate dhul gariirkan ayaa mid kii ugu horeyey ee ramadaanta dhexdeeda dhaca amase la maqlo iyaga oo ay dad badan ay aaminsan yihiin in uu dhul gariirkani ay sababta ay leedahay buurta Saw.

BY WARIYE SHARBI YARE

SUBULAHANEWS

BORAMA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook