Hargaysa(Subulahanews)Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Axmd Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay halka uu ku dambayn-doono Mustaqabalkiisa Siyaasadeed, waxaanu sheegay in aanu hadda jirin Xisbi uu u digo-roganayo.
Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale uu sheegay in uu diyaar u yahay in Kursigiisa uu ku furdaamiyo bad-baadinta iyo jiritaanka Xisbiga UDUB si uu u yeesho Hormood cusub oo Hogaamiya.
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay Hargeysa ugu waramayey Warbaahinta, ayaa sidoo kale ka hadlay Garabkii uu hogaamin-jiray ee Xisbiga UDUB ee doraad ku biiray Xisbiga Kulmiye. Isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa uu ku bilaabay.
“Xisbiga UDUB horteed baanu dhaqaajinay Xibiyadda kale oo aan dhaqaaqin markii aanu keenay Rag cusub oo hanan kara, laakiin Rag bay tuur la yeelatay markaa waxaanu jeclaysanay in aanu Xisbiga ku dhaqaajino Jiil cusub oo Dhalinyaro oo Gurigii ka guurno oo meel kale loo guuro Rag uu ugu horeeyo Odaygu (Rayaale) wuxuu la yeeshay arrinkaasi tuur , halkaa ka dib Anigu Ramadaan ka hor markuu Arrinku cakirmay ee Taladdii aanu isla garan-weynay ayaan Odayga u tagay, waxaan ku idhi waxaan soo jeedinayaa si Xisbigu u bad-baado inaan Kuraasta ka degno, sababta aanu uga degaynaana waxa weeyaan Xisbigu ha yeesho Hormood cusub oo haga maadaama oo uu tartan gelayo maalintaa wuxuu igu yidhi Axmadoow anigu waxaan doonayaa inaan la sii butuqsadee adigu hadaad sidaa garatay waad fiican tahay, waxaan ku idhi labadeenu isma hayno arrin-baa lagu kal jabay oo arrin taagnaa mid ayaa laga dhigay toban, arrinku muxuu ahaa? waxa weeyaan Musharaxnimaddii Jamaal iyo Cali Waran-cadde waxay ahady talo haddii Odaygu kala yimid Paris inuu yidhaahdo maxaa jira waxay ahayd inuu yidhaahdo Jamaal wuu buuxiyey Shuruudihii Cali-Waracadena Lacagtii uun-baa ka dhiman waxay ahayd inuu yidhhaado Caloow Lacagta soo shub labaduba waa Musharixiin, waxaana lagu kala reebayaa Gole-dhexe ama Shirweyne oo loo codaynayaa arrinkii halkaa taagnaa waa tii la faafiyey ee uu sii daba dheeraaday Jamaal-na UCID u digo-rogtay talada aan ula tagey waxay ahayd Kuraasteena aynu ku bad-baadino Xisbiga si uu u yeesho Hormood cusub oo u tartama, wuxuu igu yidhi waan soo tashanayaa madaama oo aad taladaa keentay, Ramadaan ka hor wuu la soo hadlay wuxuu yidhi Ramadaan dabadeeda ha inoo ahaato, iyaddoo ay halkaa taagan tahay ayaa waxa la soo saaray Guddiyo dhinac ka raran, Guddiyadaasi waa kuwa keenay in qayb-dhami Xisbiga ka baxdo maadaama oo ay iska waaweeyn Liiskii una arkeen in iyaga lagu soo maqan yahay “
Guddoomiye ku xigeenka UDUB waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin Xisbi uu ku biirayo, waxaanu yidh “Aniguna Nin Xisbi kale u guuraya ma yihi, haddii ay noqoto in aan ka fadhiisto Kursigayga waxaan ula guurayaa Golaha Guurtidda taasina waa arrin marka uu taladda la yimaaddo Odaygu Ramadaan dabadeeda iman doontaa INSHA ALLAH”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan ahay Nin diyaar u ah in aan Kursigayga aan ku furdaamiyo Xisbigu in uu bad-baado, Saddex Bilood iyo badh-baa u hadhsan wakhtiga Doorashooyinka la qabanayo, waxaanan rajaynayaa in Aniga iyo Odaygu-ba (Rayaale) ka fadhiisano Xisbiga si Xibsigu u yeesho Hormood cusub oo Hogaamiya si uu uga soo kabto wixii ku dhacay”
