Burco,(Subulahanews)-Sida xogo shebekada Qarrannews ka soo gaadhey degaanka Qoor-lugud caawa fiidkii xaqiijiyeen waxaa laga afduubay degaankaa ilaa inta la ogyahay lix nin oo xoolo dhaqato ah oo sida tibaaxuhu sheegeen ka soo jeedaa beesha Maxamed Abokor ee Habarjeclo ee madaxweyne Siilaanyo ka soo jeedo.

Nimankan xoolo dhaqatada ah ee la afduubay ayaan la ogeyn meesha lala tegay inkastoo xoguhu sheegayaan in loo kaxaystay dhankaa iyo Degaanka Shaxda balse raq iyo ruux meel la geeyay lama hayo ilaa hadda sida wararka Qarannews heshay u badan yihiin.

Inkastoo nimankaa la afduubay warar rasmiya laga helin oo maqane yihiin haddana dad xogogaal u ah afduubkoodu waxay tilmaameen inay afduubeen kooxo hubaysan oo la garanaayo oo k a soo jeeda beesha Xaglatoosiye ee dhawaan xukumada Siilaanyo u sii daysay maxaabiista.

Dhinaca kale sababta afduubka lixdaa dhibane ayaa lagu macneeyay in kooxda wax afduubtay dalbanayaan in loo sii daayo maxaabiis kaga xidhan jeelalka Somaliland oo qaarkood mudo dheer ku jireen jeelasha kuwaas oo la sheegay in wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan si shaqsinimo ama si gaara uga reebay maxaabiistii dhawaan la sii daayey ee Xagla toosiye ula dhaadhacay carro Dhulbahante.

Maxaabiista Dhulbahante ee dhawaan la sii daayey ayaa Qaran-news loo xaqiijiyey in liiskooda uu diyaariyey wasiirka madaxtooyada Xirsi isagoo kala xulay qaarna sii daayey qaarna si gaara u reebay taas ayaana sababtay ayaa la lee yahay durbaba in weeraro hanjabaada iyo afduubyo lagu kaco dad xoolo dhaqato ah oo ay isku hayb iyo degaanba yihiin, iyagoo laga yaabo in la haysan doono ilaa inta uu soo daynaayo dadkaa uu sida gaarka ah ula hadhay ee weli jeelalka somaliland ku jira.

Source Qarannews

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook