Gudigga Badbaado wuxuu salaan diiran u dirayaa  dhamaan ummadda muslimka ee somaliyeed qaasatan dadweynaha  reer Awdalstate  meel kastooy joogaan, taas oo ku saabsan tobanka maalmood ee u dambeysa  bisha barakaysan ee Ramadaan, kuna jirno  salaatul Qiyaamkii lagu kahtimeyey soonka quraan kariimka  iyo hambalyadda ciidda soon fur ee ciidal fidiri Mubaarak, waxanan Eebbe  Weyne uga baryeynaan  dhamaan ummadda muslimka iyo Ummadda reer Awdal  meelkatoy joogaan in Dambi dhaaf iyo maqfiro Eebbe siiyo, bisha bisheedda ku gaadhsiiy caafimaad iyo cimiri dherer,  nabadgelyo Aafooyinka dabiiciga ah ka sabato bixiyo , sida abaaraha iyo colaadda  sii dabbo dheeraaday….

Gudigu wuxuu  hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan taageerayaasha  Awdal state ee xalaasha ah ee ka soo jawaabay labaddii  Baaq kala  ahaa  (A). gurmadka deeganaddii abaaruhu aafeeyeen, kuwaas oo hawshii Gurmadku u socoto habsi ah, Gudiguna wuxuu ballan qaadayaa in ay u gaadhsiin doonaan sida ugu degdeg badan .

Gudigu wuxuu farayaa gudi hoosaadyadda goboladda kala duwan in ay soo gabagabeeyaan hawlaha gurmadka ah sida ugu degdeg badan, si lo gaadhsiiyo  dadkii tabaaleysnaa.ama barko kacay ee goboladda xeebaha Awdal.

Gudigu wuxuu Fariin (b).
 labaad u dirayaa  dadweynahii ka soo jawaabay baaqii labaad ee gudiga badbaado in ay u hawl galaan sidda ugu degdegga badan si loo dardar gelin lahaa habsi u socodka maamul goboleedka Awdal state, taas oo la qaboojey labdadii maamul ee isku hayey in muddo ah, labadda maamulna waxaa la codsanayaa ay  in ciddii dadka iyo dalka wax u qabanaysa loo baahan yahay lana arki doono ..

Waxa kale la abuuray gudi farsamo oo ka hawl gali doonta sidii shir beeleed  loo dhan yahay loo qabban lahaa , kaas ooy ka soo wadda qayb gali doonaan dhamaan bulshadda reer Awdal state laguna dooran doon maamul hagga iyo sidii looga saari lahaa jahwareeran ku habsaday ummadda….

Gudigga Badbaaddo: wuxuu farayaa in gudiga farsamo ay si toos ah u gutaan waajibaadka saran, soona saaraan mudada la qaban doono shirka lagu soo dooran doono golaha dhexe iyo golaha maamulka Awdal state.

Gudigu wuxuu hambalyo u dirayaa garabka Madexweyne  Nageeye ee Awdal state ee  soo dhaweeyey kuna soo jawaabay baaqii gudiga badbaado si walaaltinimo ku jirto, wada tashi iyo  is qadarin, unaa arkay baaqa gudiga  mid lagama maarmaar ah.

Gudigu wuxuu fariin walaaltinimo u diraya:  Garabka Madexweyne Awdal state ee Rashiid in u arko gudigu mid waxtarle ayna iska saaraan cuqdadan hadheysay iyo saskan ay ka qaadeen gudiga Badbaado, Waa haddii dalkoodda iyo dadkoodda xilka u qaadeen waxa kale ee Gudigu ka codsanayaa in ay ka daayaan marin habaabinta bulshadda ay ku hayaan web site Awdal state, kaas oo ah mid ka dhaxeeya ummadda lagana daayo ceyda lagu caayayo haldoorka gadabuursi, loona adeegsanyo afcaasha ka baxsan anshaxa ee ay qorayaan dadka lee dan gaar ah taas  u adeegsanayo warxume tashiilka  iyo wax ma gartida ku dhuumanayo ummadda reer Awdalstate  iskana dhigaya kuwo wax qabad le…..

Gobagabo iyo gunaanad….(Adoo hoota ah oo hadhaana ah,oo AChirdina badan darka u horee sideed ku heshaa )…Dadkii iyo dalkiiba waxay u baahan yahiin Gurmad Maskaxeed, mid Dhaqaale, mid Siyaasadeed, mid Ciidan,mid Cacyi gelin looma baahnaa xafado iyo borobagando aan meel gaadhsiisney ee lagula dhex jiro ummadda……

Labadda garab ee isku hayey maamulka Awdal statena waa looga fadhiyaa midkii waxqabad  le iyo kii danno gaar ah wataba ummadduna indhahay ku haysaa , waanay ka markhaati kici doontaa……

Gudigga Badbaado Awdal state. Of Somalia..

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook