Wakiilka gaarka ah ee ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Boubacar Diarra ayaa hambalyo u diray 600 oo askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo dhammeystay tababar ay soo qaban qaabisay AMISOM oo lagu qabtay xeryo ku kala yaalla Uganda iyo Soomaaliya.

Danjire Boubacar Diarra wuxuu sheegay in ay AMISOM xoogga saarayso in tababarro ku filan la siiyo milateriga iyo booliska Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan la wareegidda ammaanka dalkooda.

Wakiilku wuxuu sheegay in ay AMISOM ku dedaalayso xasilinta Soomaaliya, isagoo caddeeyay in ay ciidamo dheeraad ah oo uu boolis ku jiro ku biirinayaan howlgalka ay ka wadaan Muqdisho, maadaama xilli doorasho la gelayo.

Boubacar Diarra ayaa sheegay in xilliga doorashada ay kaalintoodu tahay sugidda ammaanka oo keliya, wuxuuna ku celiyay in ay dhex-dhexaad ka yihiin siyaasadda socota, isagoo soo jeediyay in la ixtiraamo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook