Kulan Express VS London HD
Borama(subulahanews) Maanta galabtii ayaa ciyaarti finalka ay wada ciyaareen labada kooxood ee kala ah Kulan Express VS London HD.
Ciyaartan oo ahayd mid ay sugayeen dhamaan tageerayaasha labada kooxood,ka dib markii loogu talagalay ciyaartu in ay shalay ay dhacdo ayaa waxa ku yimid roob markaasi ay socotay waa xooga daqiiqo halkaasi ayey shalay ciyaartu ku baaqatay iyada oo laga dhigay maanta ahaan in ay ciyaarta koobku ay qabsoonto.
Ciyaarta maanta ee garoonka khayriyada ee Magaalada Borama ay ku Dhexmaraysay labada kooxood ee kala ah Kulan Express VS London HD ayaa waxa ay ku bilaabantay jawi iskugu jira xamaasad,werar iyo warer celin,jawi degan, ayaa waxa ciyaartan markiiba la bilaabay in ay labada kooxood ay wax iska dhaliyeen iyada oo ciyaartu haafkii hore ay ku dhamaatay 0:0.
Ka dib markii la isku soo noqday haafkii danbe ayaa waxa ay labada kooxood ay is lahaayeen in ay gool laga dhalin iyada oo labada tababare ay ciyaartooyadooda ay ku dhirigaliyeen ay muujiyaan ciyaar wanaag,taasi oo uu keenaysa in ay gool ay dhaliyaan.
Waxa ay ciyaartu socotaba ayaa waxa goolkii koowaad keensatay kooxda ku ciyaaraysay magaca London HD iyada oo goolkii wax badan ka badalay ciyaarta ayaa Kooxda Kulan weraryahanadoodu ay bilaabeen in ay keenan goolkii laga dhaliyey.
Waxa ay ciyaartu ay dhamaad ku siisiqdaba ay Kooxda Kulan Express ay uu soorto gashay in ay Keenan goolkiidii barbar dhaca kaasi oo uu ka farxiyey ciyaartoyga da’da yare e cawke ,taasi oo tageerayaashi Kulan Express ay farxad galisay,Kooxda Kulan Express markii ay keentay goolkii barbar dhaca ayaa waxa ay bilowdayba in ay keento goolkii guusha.
Hase ahaate Kooxda Kulan Express waxa uu suurto galay in ay keento goolkii guusha,goolkaasi oo tageerayaasha Kulan Express ay damceen in ayba garoonka ay soo galaan farxad daradeed.
Si kastaba ahaate Ciyaartan Finalka ee dhexmaraysay labada kooxood ee kala ah Kulan Express VS London HD ay ku soo afmeerantay 2:1 ay guushu sidaasi ay ku raacday Kooxda ku ciyaaraysay magaca Kulan Express, Xawaaladan koobka qaday ayaa ahayd kooxdii maalgalisay iyada oo ay wacdaro ay kaga tagtay koobka.
BY WARIYE SHARBI YARE
SUBULAHANEWS
BORAMA/SOMALILAND





































