Muqdisho(Subulahanews)Guddida xulista xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee loo samaynayo dalka Somaliya ayaa caawa shaaciyey Magacyadda 202 qof oo loogu tallo-galay inay ka mid noqdaan baarlamaankaasi.
Guddida xulista baarlamaanka oo hanaanka 4.5-ka loo yaqaan ku soo xulay xubnahan ayaa si rasmi ah u shaaciyey magacyadda baarlamaanka cusub ee Somaliya, sida aad ku aragteen wararkii hore aanu idiinku soo gudbinay.
Xubnaha la xulay ayaa waxa ka mid ah shakhsiyaad door ah oo ka soo jeeda Somaliland, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay Magaaladda Muqdisho ka waday dedaalo ay ku doonayeen inay ku biiraan Baarlamaanka Somaliya, kuwaasi oo qaarkood hore xilal uga hayey dawlada ku meel-gaadhka ah ee Sheekh Shariif, kuwaasi oo ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhiga ee xiligan Xuseen Carab Ciise oo lagu daray liiska xubnaha baarlamaanka.
Sidoo kale, waxa xubnaha reer Somaliland ee baarlamaankaasi loo xulay ka mid ah nin ay walaalo yihiin Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, kaasi oo loo xulay ka mid noqonashada baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena xubnaha la garanayo ee loo xulay waxa ka mid noqday Cabdalle Xaaji Cali Axmed oo mar Maayar ka ahaa Berbera.
Guddida xulista baarlamaanka Somaliya oo muddo ku mashquulsanaa kala saarida xubnaha loo soo gudbiyey ayaa xubnaha ay qaateen ka reebay agaasimihii iska casilay wasaarada Maaliyadda Somaliland Jaamac Odey, kaasi oo doraad mar uu warbaahinta Muqdisho la hadlay sheegay inuu ka mid yahay xubnaha loo xulay baarlamaanka.
Halkan Ka akhriso Xubnaha beelaha DIR ee ka mid noqonaya baarlamaanka Somaliya, kuwaasi oo ay ku jiraan xubnaha ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan beesha dhexe.
DIR
1. Aamino Cumar Jaamac
2. Abdulaahi Hussein Ali
3. Abdulaahi Cisman Ducaale
4. Abdulahi Abyan Nuur
5. Abdulahi Cumar Abshir Cumar
6. Ahmed Dhimbil Roble
7. Axmed Aadan Axmed
8. Axmed Aadan C/raxman
9. Busharo Cabdi Diriye
10. C/lahi Cisman Ducale
11. C/lle Xaaji Cali Axmed
12. C/naasir Gaarane Mohamed
13. C/qaadir Sh. Cali Ibrahim
14. C/qafaar Mohamed Oomar
16. C/raxman Maxamud Caateye
17. C/risaaq Daahir Maxamud
18. C/xakiim Ciise Guuled
19. Caashakoos Maxamuud Cumar
20. Cabdalle Boss Axmed
21. Cabdi Xaashi C/llahi
22. Cabdirahman Ahmed Suge
23. Cabdullahi Qayad Barre
24. Cadar Abdi warsame Isaaq
25. Cali Xasan Guyow
26. Cisman Cilmi Boqare
27. Dr Siciid Mohamed Ali
28. Dr. Ibrahim Suleyman Xaaji Nuur
29. Duniya Maxamed Cali
30. Faaduma Xasan Cali
31. Faduma Odowa Rageh
32. Faysal Cumar Guuleed
33. Gen Siciid Xasan Geedi
34. Ismaciil Xassan Jaamac
35. Jamaal Xasan Ismaaciil
36. Khadar Biixi Caalin
37. Khadra Ahmed Ibrahim
38. Mahad Cabdalle Cawad
39. Mahad Mohamed Ducaale
40. Maxamed Axmed Gurxan
41. Maxamed C/laahi Kaamil
42. Maxamed Cabdi Xayir
43. Maxamed Cali Xagaa
44. Maxamed Xasan Aadan
45. Prof Ahmed Ismail Samatar
46. Ridwan Hirsi Mohamed
47. Sahro C/qadir C/raxman
48. Saynab Maxamed Caamir
49. Xiis Hassan Aadan
50. Xiis Muuse Cawl Cali
51. Xuseen Arab Esse Xayd
52. Xuseen Cabdisalaan
53. Yusuf Dirir Abdi
55. Zakariye Xuseen Aare
