WARSAXAAFADEED | Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasadda Ciidul-Fitri-ga, isagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Alle ka baryaan inuu dalka iyo dadka noo badbaadiyo.

Hadalkii uu ugu talo galay shacabka ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Ciiddan uu waddanku horumar ka sameeyay dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda, ayna muhiim tahay in Alle looga mahac celiyo si uu umadda ugu  yaadiyo.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay n ay iidda uga faa’iideystaan inay is cafiyaan. “Waxaan leeyahay shacabka oomaaliyeed meeley joogaanba Ciid Wanaagsan, sanadkaan sanadkiisa inuu lle nagu gaarsiiyo horumar iyo nabad intaan ka badan, waxaan rajeynayaa naan si wanaagsan uga faa’ideysano munaabasabadan maadaama aynu udanay waajibaadkii bisha soon,umadana waxaa laga rabaa iney Alle wadajir baryaan, niyadoodana isku furaan ayagoo wadajir ugu duceysanaya inuu lku noo noqdo nabad” ayuu yiri madaxweynuhu.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa kulan casho ah la qaatay saraakiishii hore e ciidamada qalabka sida oo ka yimid qaaradda Yurub iyo Mareykanka, uwaas oo ka qeyb qaatay diyaarinta qorshaha ammaanka dalka iyo sidii dib oogu dhisi lahaa ciidamada qalabka sida eewaddanka.

“Saraakiishaan axey nooga yimaadeen meelo kala duwan oo Mareykanka iyo urub ah, waxeyna in muddo ah ku howlanaayeen qorshihii diyaarinta amniga alka iyo sidii loo xoreyn lahaa waxeyna noogu yimaadeen sidii qorshahaasi yo talooyinkii ay soo jeediyeen loo hirgelinlahaa ayadoo hadba aan aafajineyno tabarteenna inta ay la egtahay afarta ma shanta sano ee soo ocota”Madaxweynuhu wuxuu sheegay in waaya aragnimada saraakiishan y xaqiijin karto in dalku uu helo markale helo ciidamadii qalabka siday ee uu ahaa, isagoo uga mahad celiyay dadaalkii ay ku bixiyeen hagaajinta mmaanka iyo ciidanka. “Dal aan ciidan laheyn nabad ma naqan karo waxaanna adnaa inaan dib u dhisno Ciidammadeenna Qalabka Sida khibradda ay saraakiishaa leeyihiinna waan ku kalsoonnahay waxaanna uga mahad celinayaa sida ay u o’aansadeen iney dalalkii ay ku noolaayeen kasoo tagaan oo ay dalkoodii imaadaan,taasna waxaa garan kara qof wadani ah” Taliyihii hore ee iidamada Asluubta Soomaaliyeed Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil oo ka adlay kulanka cashada ah ayaa madaxweynaha ku amaanay dowrka ay owladdiisu ku bixisay dib u soo nooleynta ciidamada qalabka sida iyo waliba su keenidda saraakiishii hore oo aan dib u kulmin tan iyo burburkii dalka.

Wxuuna codsaday in laga faa’iideysto maskaxda ay ixiyeen saraakiisha. Waxaanu rajeyneynaa in saraakiisha hada joogta iyo dowladda imaan doonto iney qibradaasi ka faa’ideystaan waanna ku kalsoonahay in la hirgelin doono,waxaanna aad ugu ammaanayaa Dowladda hada jirta sida ay waqtiga ugu bixisay soo nooleynta Ciidammada qalabka sida iyo isku keenida saraakiishii hore si gaar ah waad ku mahadsantahay Mudane Madaxweyne waxaanna kuu rajeyneynaa inaad dadaalkaaga sii wadid”ayuu yiri Ismaaciil Axmed Ismaaciil.

Kulankan cashada ah waxaa ka qeyb galay Wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise, Taliyaha XDS Generaal C/qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha ciidamada booliska Shariif Sheekhuna Maye, taliyaha ciidamada Asluubta iyo ku xigeennadiisa iyo in ka badan 10 ka mid ah saraakiishii hore ee dalka.

Office of the Somali President | Mogadishu, Somalia | media@presidency.gov.so

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook