Sida la arkay run ahaantii somaliya wakhtigay ugu wanaagsanayd ama lagu tilmaamo wakhtigii horumarka wuxu ahaa wakhtigii General maxamed siyaad barre oo la sheego in uu ahaa xukun mudo 20 sano ah ka talinayay dalka somaliya ,dabadeed waxaynu kawada warqabnaa in ay dhacday ama ay burburtay 20 sano kadib dawladii dhexe ee somaliya .

Hadana waxan kawarqabnaa in ay Somaliland gaadhay 20 sano oo amni iyo bilaw horumaryo kala duwan sida daryeel caafimaad iyo mid waxbarasho oo labaduba lagu xasuusto aas-aaskeeda jaamacada camuud ee ku taala magaalada Borama oo lagu naanayso hooyadii jaamacadaha dalka oo bilawday kuliyado sida ,kuliyada waxbarashada oo dalka oo dhan ka haqabtirtay dhamaan da’yarta baahidoodii waxbarasho iyo sidoo kale kuliyada caafimaadka oo sida laga wada warqabo noqotay mid looga yimaado adeega ay dhakhaatiirta Gobolada Awdal iyo Salal hayaan meelo badan oo kamida gayiga soomaalidu dagto oo dhan.

Hadaba markaan kazoo gudubno dhamaan horumaradaa curdinka ah ee waxbarashada,caafimaadka iyo amniga oo inta badan loo nisbeeyo in ayna dawladi waxkatarin ee ay bulshada reer Somaliland ay yihiin kuwo iyagu nabada jecel arkayna waxa dagaal yahay iyo mira dhalkiisa , ayaa hada waxa lagaadhay Somaliland 20 sano oo xukun dawladeed iyo xasilooni sida dhaqan ahaan iyo aqoonyahano soomaaliyeed daraaseeyeena waxa la sheegaa in ay inta badan dadku jecel yihiin isbadal markii la gaadho 20 sano oo aan ahayn sida daraasadaa aqoonyahanadu u kuurgaleen mid ay dadku la imaanayaan laakiin ay tahay mid dabiici ah oo ku abuuran bili aadamka dhamaantii maadaama uu iska kooban yahay cimrigiisu ayna daneeyaan inay arkaan waxkale oo cusub

Sidaan hadaba kawada warhayno soomaliya waxa dhawaan ka qabsoomaysa doorasho madaxweyne oo lagu dhisayo dawlad aan ahayn kumeel gaar ee rasmi ah waxana kamida murashixiinta ilaa hada ugu cad cad murashax prof: Axmed Isma’il Samatar oo kazoo jeeda woqooyiga soomaliya .

Taasi hadaba waxa ay keentay dawlada Somaliland haba isdhago martee in dhamaan shacabkii lahayn kari laayahay gaar ahaan ganacsatadii oo iyagu durbaba kabilaabay in ay dhismayaal ganacsi kadhistaan Muqdisho iyo siyaasiyiin raba in ay lajaanqaadan isbadalka kazoo ifbaxay koonfur .

Markaan hadaba indho indhayno awooda aan xadiga lahayn ee ay manta koonfurs somaliya ka hirgalisay dawlada kumeelgaarka ee wakhtigeedii dhamaaday 20 august 2012 sida beesha caalamku sheegtay iyo musharixiinta tartanka ugu jira dhismaha dawlada cusub iyo sida caalamku u danaynayo ama ugu mashquulsan yahay sida arimahaasi u dhici doonan ayaa ku keentay Somaliland in ay halmar shiiqdo oo lawaayo hadal qaadkeedii faraha badnaa markii koonfur colaadaha ba’ani kajireen iyo sidoo kale Awdal state iyo Khaatumo oo iyaga laftoodu kusii riday markay kaqaybgaleen horumarada kala duwan ee kasoconaya koonfur burbur iyo wiiqmitaan horleh iyo in caalamkii indhaha kasii jeediyo Somaliland oo la ogaaday in halreer ay u noqotay gabaad kuwii ladaganaana ay somaliya u gacan haadinayaan markay dantoodii ka dhex arki waayeen woqooyi ama Somaliland kaliftayna in koonfur la jaanqaadan shacbiga jooga gudaha Somalilandna ay dhamaantood u taagan yihiin lasocoshada waxa ka dhacaya koonfur

Ugu danbayntii Somaliland way soo shaqaysay dadkeedana way gaadhsiisay intay koonfuri amni noqonaysay thanks s/l

laakiin hada 20 sano kadib dadku isbadalkaasi aadka loogu hanwayn yahay ayay rabaan in ay ka qaybqaatan

 

Qalinkii: Abdinasir Ali Suleiman ( london)

Loodoon25@hotmail.com

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook