Muqdisho(Subulahanews)-Cali Khaliif Galeyr oo R/wasaare ka soo noqday xukuumadii uu madaxda ka ahaa Dr. C/qaasim & Xassan Abshir Faarax oo ah siyaasi rug cadaa ah oo muddo ku soo jiray siyaasadda, xilal kala duwanna ka soo qabtay dowladdii Soomaaliya, maamulka Puntland & dowladdii Carta-Jabuuti ayaa dedaal ugu jira in ay ku guuleystaan xilka guddoomiyenimada baarlamaanka, waxaana ololahan oo si xawli ah uga soconaya Muqdisho labadda siyaasi gadaal ka taagan qaar ka mid ah musharixiinta.

 

Cali Khaliif Galeyr ayaa taageerada ugu ballaaran wuxuu ka haystaa musharixiinta Hawiye, Dir, & qeybo ka tirsan Digil & Mirifle, waxaana musharixiinta ay wada socdaan Galeyr ka mid ah Sheekh Shariif, Dr. Caddow, Prof. Warfaa & xubno kale, halka Xassan Abshir ololihiisu uu ku soconayo hab gaabis ah, waxeyna wararku sheegayaan in musharaxnimada Xassan Abshir uu soo jeediyey Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Jen. Muuse Xassan Cabdulle.

“Cali Khaliif ama Xassan Abshir haddii midkood uu guuleysto waxey ka dhigan tahay inuu meesha ka baxo in shaqsi kale oo ka socda beelaha Daarood aanu isu soo taagi karin labadda xil ee sarsare, waxaana xusid mudan in xilka guddoomiyenimada baarlamaanka uu leeyahay saameyn ballaaran`ayuu yiri Xildhibaan Dr. Khaalid oo ka mid ah xubnaha cusub ee shalay la dhaariyey, wuxuuna intaa ku daray in Dr. Cali Khaliif uu yahay siyaasi waddani ah, oo wax weyn ku soo kordhin kara marxaladda Soomaaliya.

“Musharaxnimada Galeyr & Xassan Abshir waxey dharbaaxo siyaasadeed ku noqoneysaa C/weli Gaas & Faroole” ayuu yiri Dr. Khaalid.

Source:Dayniile

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook