Muqdisho(Subulahanews)-Kulankii ay maanta ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya xarunta gaadiidka booliiska oo uu shir guddoomiye ka ahaa guddoomiyaha KMG ah, Jen. Muuse Xasan ayaa waxay cod aqlabiyad ku ogolaadeen guddiga doorsahada guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa oo ka kooban 15-xubnood.
Xildihbaanadii kulanka maanta xaadiray oo tiradoodu ahayd 184 ayayna jirin cid kasoo horjeesatay guddiga, waxaana xubnaha guddigan lagu soo xulay qaab 4.5 ah, iyadoo shanta beelood ee uu middiiba ka yimaadeen saddex xubnood oo isugu jira rag iyo dumar.
Xubnaha guddiga ayaa waxay kala yihiin:
1.Ciise Maxamed Cali
2.Feysal Cumar Guuleed
3.Caadil Sheegoow Sagaar
4.Maxamed Warsame
5.Maxamed Ismaaciil
6.Xasan Macalin Xuseen
7.Cismaan Libaax
8.Nuur Iidoow Beyle
9.Maxamed Maxamuud Guure
10.Ciise Maxamuud
11.Sahro Jaamac Cali
12.Caasho Xaaji Cilmi
13.Khadiijo Maxamed Diiriye
14.Fowsiyo Maxamed Sheekh
15.Sahro Cabdulqaadir
Guddigan ayaa waxaa looga fadhiyaa inay illaa 25-ka bishan oo ku beegan Sabtida soo socota kusoo diyaariyaan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka federaalka iyo ku xigeennadiisa, si ay doorashadu u dhacdo 26-ka bishan oo maalinta xigta ah.
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo xalay ka dhaariyay ayaa wuxuu bedelayaa baarlamaankii KMG ah ee ka horreeyay kaasoo ka koobnaa 550-xubnood, ayna aad ugu yaraanyeen xildhibaannada haweenka ah.
Subulahanews.
