Hargeysa (Subulahanews)–Wasiirkii hore ee Wasaarada hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta ee xukuumaddii Madaxwayne Daahir Rayaale Siciid Sulub Maxamed, ayaa Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) warbaahinta u mariyey salaantii Ciida.
Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka culus ku leh dalka isla-markaana odhaahdiisu xukuumadda dhibto ayaa sheegay inaan colaad iyo cadaawadi ka dhaxaynin Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, balse ay kala afkaar yihiin, dhaliisha uu u jeediyo xukuumaddiisuna tahay toosin iyo sixid.
Siciid Sulub, waxa uu sheegay inaanu in muddo arag Madaxwayne Axmed Siilaanyo, balse farxada Ciidul-firdiga awgeed uu u dirayo Salaan, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in Mucaaradadiisu tahay mid lagu saxayo ama lagu toosinayo wixii ka khaldama Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa, taasina tahay waajib dastuuri ah oo ay gudanayaan, balse aanu jirin cunfi kale.
Siciid Sulub Maxamed oo hadal kooban siiyay shabakada wararka ee Qarannews ayaa Madaxwayne Siilaanyo salaan u diray “Anigu qasriga Madaxtooyada ma tegin, waxa iigu dambaysay intaan laga bedelin albaabadii hore ee aanu kaga tagnay ee aan kuwo cusub lagu taagin”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Oday Siilaanyo in-dhaweydba maan arag, isa- saamaxaaduna waa mid furan maalmaha Ciida, wakhtiyada farxada iyo mar walba, sidaa daraadeed ciida awgeed oday Siilaanyo iga gaadhsiiya ciid wanaagsan…ciidal caafiya”
Siciid Sulub Maxamed, ayaa si kama ah looga baahiyey inuu maalintii koowaad ee Ciidul-fidriga qasriga Madaxtooyadda ku booqday Madaxwayne Siilaanyo isla-markaana ay dhex martay salaan iyo is-saamaxaad.
Source:Waaheen
