Muqdisho(Subulahanews)-Guddoomiye ku-xigeenkii waaxda socdaalka Cabdi Barre oo xilkaasi ahey xilligii xukuumadii Cali Maxéd Geeddi ayaa Muqdisho lagu afduubay, sida ay saxaafadda u sheegeen eheladiisa

Sarkaalkan oo dhowaan Muqdisho soo gaaray, kana yimid dalka Mareykanka oo uu degan yahay, ayaa sababaha socdaalkiisa lagu sheegay in ay la xiriirtay isagoo doonayey in loo magacaabo kursiga xildhibaanimo ee beesha Baciidyahan, iyadoo ilaa hadda aan la ogeyn cidda ka dambeysa afduubkiisa.

Maxéd Cali Jaajuun oo ka mid ah ehelada Cabdi Barre ayaa sheegay in afduubkiisa lala xiriirinayo in ay ka dambeeyaan xubno ka mid ah madaxda waaxda socdaalka, wuxuuna xusay in Cabdi Barre uu marar badan ka hadlay musuq-maasuq ku baahay waaxda socdaalka, kadib markii baasaboorka Soomaaliga ah laga iibiyey dad ajnabi ah & shaqsiyaad ka mid ah madaxda Alshabaab, burcad badeed & shaqsiyaad dambiilayaal ah.

“Cabdi Barre waxaa xirtay dad awoodii dowladda & sharicigii jeebka ku qaatay, waxaana xaqiiqo ah in waqtigeey noqotaba uu banaanka iman doono, lagana xisaabtami doono jariimooyinka loo geystay”ayuu yiri Maxéd Cali, wuxuuna xusay in Soomaaliya aysan weli ka gudbin in qof ku tiirsan awood qabiil uu siduu doono ka yeelo sharciga.

Source:Dayniile

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook