Muqdisho(Subulahanews)Dr. Cali Qaliif Galeyr ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay musharx u taaqan xilka guddoonka Baarlamanka isagoo ka codsaday mudanayaasha Baarlamanka in ay codkooda siiyaan.

Xaflad qado ah oo Dr. Cali Qaliif ku soo bandhigayay musharaxnimadiisa xilka guddoomiyaha Baarlamanka oo lagu qabtay Hotelka Saxafi ayaa waxaa ka soo qebgalay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka. xubno ka tirsan mudanayaasha cusub ee Baarlamanka, Barbaarta gaashaaman iyo dadweyne iyagu taageersanaa Musharxnimadiisa.

Xubno ka tirsana odayaasha, Mudanaasha cusub ee Baarlamanka Haweenka oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood si isku mid ah u muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin in Dr. Cali Qaliif uu qabto guddoonka Baarlamanka.

‘’Sanad gudihiis waxaad dareemi doontiin isbedel la taaban karo oo ku aadan dhinacyada ammaanka iyo habka maamul wanaagga haddi la idoorto, waayo 13 sano anigoo jira ayaa iigu dambeysay waalidkey qarash ay iga bixiyaan intaa waxaan wax ku soo bartay iskoola shiib hadda oon da’ahay waxaan doonayaa waa inaan dalkeeyga gudo abaalkiisa oo aanan waxba ka hagran’’ayuu yiri Dr. Cali Qaliif oo munaasabadaasi ka jeediyay hadallo kooban.

Dr. Cali Qaliif ayaa ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo dalka ka soo qabtay xilal kala duwan isagoo mar ahaa R/wasaarihii xukuumaddii lagu soo dhisay Carta ee uu hoggaaminayay Dr. C/qaasim Salaad Xasan.

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook