London(Subulahanews)-Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogista guud ee waddanka Libya ayaa sheegay in wiilkii kolonel Qaddaafi, Saif al-Islaam, in maxkamad lagu saari doono bisha soo socota magaalada Zintan.
Magaaladaasi Zintan ayaa lagu hayay wiilka Qaddaafi ilaa iyo sanadkii hore markii la qabtay.
Afhayeenka ayaa sheegay in kooxda dacwad oogosta ay diyaariyeen liiska eedeymaha ay u heystaan Saif al-Islam Gaddafi oo mar loo arkayay inuu beddeli doono aabihii.
Maxkamadda caalamiga ee dambiyada dagaalka oo soo saartay amar lagu xirayo dambiyo ka dhan bani’aadanimada oo loo heysto ayaa sheegtay inay ka war heyso wararkan u dambeeyay laakiin aanay go’aankan kala soo xiriirin masuuliyiinta waddanka Libya.
Subulahanews.
