Subulahanews (Quljeed) Ciyaar aad u xiiso badan ayaa dhex labada Xul ee ka kala socday Degmada Quljeed iyo Degmada Borama, Ciyaartaasi oo marti lahaa Degmada Quljeed ayaa waxay bilaabantay weerar iyo weerar celin, weerar iyo difaac, baas gaagaaban, ku dhaadheer iyado labada kooxood aanay kala awood badnayn qaybtii hore ee ciyaarta.
Ciyaarta waxa la iska dhaliyey isku gayn Afar gool oo ay labada kamid ah dhaliyeeen xulka Degmada Borama oo Degmada Quljeed ka badiyey ciyaartii saaxiibtinimo ee loogu talo galay is dhexgalka bulshada iyo dhalinyara degmooyinkan jaarka ah, hawshan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro ay horkacayaan Gudoomiyaha Sportiga ee Degamada Quljeed Mudane Yoonis Cismaan Aarayte iyo Tababarihii hore ee xulka Gobolka Awdal Gudoomiye Samaroon.
Si kastaba ha ahaatee ciyaartani ayaa waxay ku dhamaatay jawi dagan oo farxad leh, salaaan iyo gacan qaad quruxbadana la is dhaafsada markaay ciyaartu gaba gabawday.

Subulahanews.com
Borama, Somaliland



















