Muqdisho(Subulahanews)-Ciidamada Booliska dowlada KMG Somalia ayaa xalay howlgal balaaran oo dhimasho iyo dhaawac sababay ka sameeyey xaafada Zona-key oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ku sugan xaafada Zona-key ayaa sheegay in howlgalkaas lagu baacsanayey kooxo hubeysan oo falal dhac iyo baarasho ah ka waday mudooyinkan degaankaas kuwaasoo dadka xaafadaas ku nool ay qaati ka joogeen.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska degmada Hodan ayaa sheegay in howlgalkaas ay ka fuliyeen labo goobood oo ka tirsan xaafada Zona-key ee degmada Hodan ka dib markii dadka degaankaas ay ka cowdeen kooxo burcad ah oo falal amni daro ka waday xaafadaas.
Waxay intaa ku dareen in howlgalkaas intii uu socday ay ku dileen afar ka mid ah kooxihii burcada ahaa ee la baadi goobayey ka dib markii ay isku dayeen iney iska caabin sameeyaan, iyagoo xusay in saddex kale oo burcadaas ka mid ah la soo xiray ayna maxkamad soo taagi doonaan.
Shacabka ku dhaqan degaanka Zona-key ayaa sheegaya in haweeney ka tirsan dadka xaafadaas uu dhaawac halis ah ka soo gaaray rasaas ay isweydaarsadeen kooxo burcada ahaa iyo ciidamada Booliska, iyagoo dhinaca soo dhoweeyey howlgalkaas oo ay sheegeen in degaanka looga sifeynayey kooxaha burcada ah.
Subulahanews.
