Muqdisho(Subulahanews)-Waxaa dib u dhac uu ku yimid doorashadii gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenada Baarlamanka cusub ee Somalia oo lagu waday in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo maalinta Axada beri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 26-ka bishan Agoosto sida uu sheegay guddiga qabanqaabada doorashadaas.
Guddiga ayaa sheegay in doorashada gudoomiyaha baarlamanka la qaban doono 28-ka bishan Agoosto oo ku aadan maalinta Talaadada ah ee socota, waxaana guddigu ay sheegeen in sababaha keenay dib u dhaca doorashada ay ugu waaweyn yihiin kuwo farsamo ka dib markii waqtigii ay ku diyaarin lahaayeen uu ciriiri ku noqday.
Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in sababaha keenay dib u dhaca doorashada gudoonka Baarlamanka ay ka mid tahay xildhibaanada baarlamanka oo aan weli si buuxda loo soo dhameystirin iyagoo sheegay iney rajeynayaan in la soo dhameystiro labada maalmood ee ka dhiman doorashada.
Xubno ka tirsan guddiga doorashada gudoomiyaha cusub ee baarlamanka iyo ku-xigeenadiisa ayaa sheegay in illaa hadda xilka gudoomiyaha ay isku soo taageen lix musharax oo ay ugu cad cad yihiin Dr. Cali khaliif Galeyr, Prof. Jawaari, xildhibaan Jurille iyo qaar kale, sidoo kale waxay sheegeen in lix mudane ay araajidooda u soo gudbiyeen gudoomiye ku-xigeenka 1aad halka kan labaadna ay u taagan yihiin illaa hadda saddex musharax.
Subulahanews.
