Hargeysa(Subulahanews)-Golaha Wasiiradda Xukuumadda talada haysa ayaa xalay shir qarsoodi ah oo ay Albaabadu u xidhnaayeen ku yeeshay Miiska Saraakiisha Ciidamadda Qaranka Somaliland oo ah Xero Milatari oo Xarun u ah shirarka Saraakiisha Ciidamadda.

Ilaa hada si rsami ah looma Oga sababta ay Wasiiradda Somaliland iyaga oo Gole looga Arrimiyo dalka leh in ay ugu shiraan Goor habeen badh ah Xero Ciidan oo ku taala Hargeysa iyo waxa kalifay toona.

Shirkan oo aan ujeedadiisa iyo waxa kalifay midna la ogayn sida ay wararku nagu soo gaadheen waxa ay Wasiiraddu iskula gaadheen ilaa laba iyo tobankii Habeenimo, wax Xog ah oo ka soo duushayna ma jirto,

Hase yeeshee waxay u muuqataa in lagu Gorfeeyay talo lala sugi kari waayay Shirkooda caadiga ah ee Khamiis kasta qabsooma oo kiisii ugu danbeeyay doraad uun uu dhacay, balse isda muuqata waxa uu daba socday shirar ay hore Golaha Wasiiraddu ugu yeesheen Hoteelo iyo meelo Qarsoodi ah.

Shirarkaasi waxa la sheegay inay ka dhasheen isku fur furnaan la’aanta xubnaha Wasiiradda ah isla marakaana qaarkood ay awoodi kari waayeen inay rayigooda cabiraan marka ay hor fadhiistaan Madaxweyne Siilaanyo, taasoo sababtay habacsnaan badani inay fuushay Wasaaradahooda iyo Xil gudasho la’aani.

Ilo wareedyo kale ayaa sheeagaya in khilaafaad kala duwani ka dhex socda Xubnaha Golaha Wasiiradda sidaasi daraadeed uu ahaa kulan Turxaan bixin ah oo la isku calool xaadhanayay.

Halka Ilo wareedyo kale ka sheegayaan in ay Wasiiraddu ka shirayeen maadaama wakhtigii Doorashada Golaha Deegaanka la cayimay sidii ay Xeel, Xoog iyo Xiniinyaba ugu soo saari lahaayeen Xisbigooda Kulmiye oo dadkii doortay qaarkood ay imika si weyn uga soo horjeedaan.

Isla markaana Beelo badan oo taageero Xoog ah siiyay wakhtigii Rayaale Jagada laga Tuurayay ay imika ku biireen Ururada/xisbiyadda kale, taasoo wakhtigan waji gabax ay kala kulmi karaan wasiiradda Qaarkood Deeggaanadooda, sidaasi daraadeed loo baahan ayahay Talo inay ka yeeshaan.

Si kasta ha ahaatee waxa laga war sugi doonaa shirkaasiw axa uu ka bedelo qaabkii shaqo ee ay Xukuumaddu hore u waday

Source:Waaheen

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook