Muqdisho(Subulahanews)-Meydadka illaa labo caruur ah oo midkood uu ka yaraa da’da 15 jirada ayaa 48 kii saacadood ee ugu dambeeyey laga soo helay xeebta Liido oo ku taala degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.
Labadan qof ayaa waxaa la sheegay iney ka mid ahaayeen dadweyne maalin walba u dabaal taga xeebta Liido oo maalmahan ka mid noqotay goobaha ay ugu hadal heynta badan yihiin dhalinyarada magaalada.
Mid ka mid ah labada wiil ee meydkiisa ay baddu soo tuurtay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in la waayey xili ay isaga iyo dhalinyaro kale oo saaxiibadii ah ay tageen xeebta Liido, waxaana meydkiisa laga helay shalay meel ku dhow xeebtaas.
Dadka dabbaal u doonta xeebta Liido ayaa la sheegay in badankood aysan garaneyn qaabka loo dabaasho taasoo keentay iney sii kordhaan dadka baddu ay qaadeyso oo aan iyagu garaneyn sida la isku badbaadiyo marka shilalka noocaas ah uu qofku galo.
Waalidiin badan oo ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo wajahay walaac ay ka qabaan caruurtooda oo ay sheegeen iney badda u dhuuntaan iyagoo laga warqabin waxayna ka cabsi qabaan in baddu ay qaado, waxaana waalidiinta qaarkood ay sheegeen in caruurta wiilasha dhalinyarada ah aan laga celin karin badda, ayna garan la’ yihiin talaabooyin kale oo ay kaga celiyaan.
Todobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa xeebta Liido ku soo caariyey meydadka illaa shan ruux oo u badan caruur ka dib markii ay baddu qaaday xili ay ku dabaalanayeen, waxaana dadkaas qaarkood la helay iyadoo ay maqan yihiin qaar ka mid ah xubnaha jirkooda.
Subulahanews.
