Saylac(Subulahanews)-Taliska Guud ee Booliiska Somaliland ayaa isku bedelay labadii Taliye Qaybeed ee Goboladda Awdal iyo Selal Maxamed Cabdi Axmed iyo Cabdi Khayre Dugsiiye.

Labadan Taliye ayaa hore la isugu bedelay iyagoo kala haystay labada Gobol ee imika loo kala bedelay, ilaa hadana sababta isku bedelkooda lama Oga.

Hase yeeshee sida uu ku soo waramayo Wariyaha Gobolada Salal iyo Awdal waxa jira dareeno ka dhashay Tahriibka oo fara baas ku haya amaanka Jiidaasi Xeebaha Galbeed, kuwaasoo ay cabasho ka timi.

Cabashada ugu badan ayuu Wariyuhu sheegay inay Dhinaca Somaliland kaga timi Dhinaca Xukuumadda Jabuuti, taasoo ka cabatay Tahriibayaasha ka gudbaya Badda.

Dawladda Jabuuti ayaa toddobaadkan qabatay laba Doonyood oo siday Tahriibayaal Saylac ka kicitimay, waxaanay ku xidhay Dalkeeda, hase yeeshee si loo xaliyo cabashadaai waxa uu Wariyuhu sheegay labadii Maalmood ee u danbeeyay inuu Badhasaabka Gobolka Salal Nuur Cismaan Guuleed Dalka Jabuuti u tagay xal u helida arrintaasi.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook