Muqdisho(Subulahanews)-gudoomiyaha guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada cusub ee Baarlalamanka Prof. C/llaahi Xiirey oo ay beel hoose yihiin gudoomiyihii hore Barlamaanka Shariif Xasan Shekh Adan ayaa la sheegayaa in lacag dhan 300 000 USD ah uu ku qaatay in uu hor istaago in ay xildhibaanada ka mid noqdaan Hogaamiyayaashii koooxaha Muqdisho kuwaa oo uu u arko Shariif Xasan kuwa Qatar ku ah siyaasadiisa haday Baarlamaanka soo galaana damaciisa siyaasadeed hoos u dhigeysa.
Shariif Xasan oo markiisa horeay soo sareen hogaamiyayaasha Muqdisho xiligii Embagaati ee dalka Kenya 2004 isagoo xiligaa iska ahaa shaqsi caadi ah kana dhigay gudoomiyaha Barlamaanka iyagoo markaa dagaal siyaasadeed kula jiray Col Cabdulaahi Yuusuf laakiin xiligaan waxaa moodaa in Shariif Xasan ay iska hor yimaadeen siyaasada Hogaamiyayaasha Muqdisho kadib markii heshiis hoose uu la galay Madaxweynaha ugu awooda badan xiligaan siyaasada Soomaliya Mudane Cabdiraxmaan Faroole
Xiligaa waxii ka danbeeyey Shariif Xasan Sheikh Adan dagaal xoogan waxuu la galay Dhamaan dadkii u ahaa gacanta midig sida Cabdiraxmaan Ibbi, Maxamed Qanyare ,Cabdulaahi Sheikh Cismaaciil iyo kuwa kale oo badan oo laga reebay liiska kamid noqoshada xildhibaanada cusub.
Si Shariif Xasan uu ugu guuleysto Dagaalka dheer ee uu u galay si aysan ragaas u soo galin xildhibaanada waxuu gudoomiyaha guddiga go’aan ka gaarida xildhibaanada cusub uu ka dhigay nin ay qaraabo yihiin muddo dheerna ku noolaa dalka Mareykanka oo uu ku maal galiyey lacag dhan 300 000 usd sida uu sheegay caaqil Maxaad Cadoow oo ka mid ahaa odoyaasha sida weyn ula shaqeyn jiray Shariif xasan Sheekh Aadan.
Si kastaba ha ahaatee Shariif Xasan ayaad moodaa in xiligaan uu ku fashilmay siyaasadiisa guud ee aheed in uu noqdo madaxweyne madaama nin ku heyb ah xiligaan loo wado in uu noqdo gudoomiyaha baarlamaanka isagoona ragii uu ku tashanaayey ee beelaha Hawiye ee uu xildhibaanada ka soo dhigay ay ku gacan seyreen in ay isu sooo tagaan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka taa oo ku riday Shariif Xasan madax xanuun keenay xalay in uu garan waayo hoyga uu ka daganaa Muqdisho
Source:Dayniile
