Hargeysa(Subulahanews)-Wasiirka wasaarada Dib u dajinta Somaliland Cabdirisaaq Cali Cismaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyay shir ay Ururka Tol ku qabanayaan magaalada Boorama. Shirkaasi oo maalmihii u dambeeyay la hadal hayay lana.
Waxa uu sheegay Wasiirku in shirkaasi yahay mid horeumarineed isla markaana Ururka Tol ay yihiin Dhalin yaro Qurba joog reer Awdal ah oo ka shaqeeya horumarka. Waxaanu tilmaamay inaanu shirkaasi ahayn mid Beeleed iyo mid siyaasadeedtona balse uu yahay mid lagaga wada hadlayo sidii loo horumarin lahaa gobolka Awdal mudo gaabana soconaya.
Wasiirka wasaarada dib u dajinta somaliland oo Arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi.
“waxaan maanta doonayaa inaan ka hadlo, hadalo maalmahan ka soo baxayay saxaafada oo ku saabsan Gobolka Awdal Degmada Boorama shir lagu qabanayo. shirkaasi oo siyaabo kala duwan looga hadlay, oo aniguba markii hore aan ahaa Ragii lahaa shirkaasi dib haloo dhigo ma suura galayso in la qabtaaye, laakiin markii aan ogaaday Docdiisii, shirkaasi waxa uu noqday shir Dhalin yaro reer Awdal ah oo Ururka Tol la yidhaahdo ah ay qabanayaan islamarkaana waxa lagaga hadlayaana yahay dhinaca horumarka maadaama in badan oo horena ay ka soo shaqeeyeen horumarinta. Waxaan Dad waynaha u sheegayaa inay nabad galyadooda ilaashadaan shirkaasina yahay shir hourmarineed Inamada qabanayaana ay yihiin qurba joogii reer somaliland siyaasada somaliyana aanay waligood galin. Tol Axmed Ismaaciil Samatar oo somalia taageera ayaa ka Gudoomiye ah ayaa la yidhi, laakiin maadama oo ay yihiin kuwa aan somaliyana tagin siyaasad dabadeedna aan taageersanayn waan u ogolaanay inay shir qabsadaan waxa horumarka ka shaqaynayana waanu soo dhawaynaynaa.”
Subulahanews.
