Boorame(Subulahanews) Shirweynaha Wadatashiga Tol ee Qurbajooga Reer Awdal oo xalay si rasmi ah uga Furmay Hotelka Rays ee Magaaladda Boorama ayay Madaxda Ururka Tol, Wasiiradda ka qayb galay, Madax dhaqameedka Reer Awdal, Culima’udiinka iyo Xildhibaanadii ka soo qayb galayba Xukuumadda Somaliland ugu bogaadiyeen sidii bisaylka ahayd ee ay uga gaashaanteen Dacaayadihii iyo wararkii looga geeyay shirka, waxaanay ku amaaneen Hogaaminta Siyaasadeed ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Saylici ka muujiyeen Qabsoomida Shirka, iyagoo sheegay Somaliland inay marayso wakhtigii Horumarkeeda laga shaqayn lahaa.

Shirka TOL oo socon doona muddo sadex Cisho ah waxa lagaga hadli doonaa sidii Qurba-jooga iyo Qol qol jooga Reer Awdal uga tashan lahaayeen danaha iyo duruufaha Bulsho ee ku xeeran Deegaanadooda iyo dadkoodaba, waxaanay masuuliyiinta ka hadashay iska fogeeyeen inaanu shuqul ku lahayn wax siyaasad ah isla markaana uu yahay wajigani kii labaad ee Lagu darsi lahaa sidii baahiyaha jira loo ogaan lahaa.

Guddoomiyaha Ururka TOL Yuusuf Aadan Qaalib oo furitaankii shirkaasi sharaxaad ka bixiyay Ujeedada Ururka TOL iyo hadafka ay la socdaan ayaa ku bilaabay “ TOL, Waa Urur Bulsho oo ay ku bahoobeen dadka Deegaankan u dhashay oo safka hore kaga jira dadka wax bartay ee la aqoonsaday. Haday Somali tahay iyo haday Caalamka tahayba, waxa Ururka ku jira Dad Caalamka wax la qabsaday.

Ururka TOL , ma aha mid dhaqan, mana aha mid siyaasadeed. Markii muranku ka jiray Arimihii dhaqanka waxaanu nidhi hawshaasi anaga nooma taalo. Kaliya Duruufaha dadkayaga inaanu wax ka qabano ayuun bay hawshayadau tahay.

TOL, waxauu duruufaha jira u arkaa laba arrimood, maraca aan ka eegno reerkii aan ka tegay beerta awoowgay waxay ku filnayd baahida reerka oo dhan, laakiin maanta Jiilaal baxna ma laha, waa dibu dhac baan is idhi. Marka aan eego 21-ka sano duruufihii la soo marayna halka aad maraysaan waxaan is idhi waxbaa la qabsaday. Waxa dhaqankeena ahaan jiray marxaladan oo kale Hooyo Caano I sii waxa la odhan jiray Horta Reerku ha dago, waxan arkaa maanta in maanta Reerkii dagay oo wax la qabsado.

Dhexdeena ama Xukuumadda Somaliland ba wax badan baa la kala sheegtaa, horta waxaan u aragnaa Xukuumaddu imaanshahayaga inay Waayeelnimo muujisay oo aanay odhan qof idinka mid ah ayaa Xamar jooga ama Meel kale jooga, arrintaas Qaan-gaadhnimaan u aragnaa.

Horta mid waa la isweydiin karaa oo ma anagaa dadkii halkan joogay ahayn ama aan garanayn Luuqadii mise idinkaan dadkii ahayn jawaabtu laba mid uun bay noqon doontaa oo labadeena mid uun baa la dabiibi doonaa. Waxa la yidhi hadaydaan waxba wadin shir iyo waxaas uma jeedno, anagu arrintaas haddii aan ka Aamusno Umadayadu sidan ku socon mayso, waxaan aaminsanaha Xukuumadda Somaliland inaanay naga didin, runtii markaanu is waraysanay waanu is qancinay waanay na soo dhaweeyeen” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka TOL.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Dibu-dajinta C/risaaq Khaliif , Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Maayarka Boorame oo ka hadlay ayaa iyana soo dhaweeyay Weftiga Ururka TOL ee shirka u qabtay Bulsho weynta Reer Awdal, waxaanay sheegeen Xukuumadda Somaliland inay garab taagan tahay wax kasta oo Reer Awdal Horumarkooda ka talinaya iyagoo sheegay Horumarka Reer Awdal inuu yahay Horumarka Somaliland.

“ mabaadiideenu waa Diinta Islaamka, lamana Quusto, bulshadu wax bay tabanaysaa waa in la is warsado oo qofba qof ka kale weydiiyo waxa haysta, saban walibana dadkiisa ayuu leeyahay, qurbajooga halkan fadhiya waa indheer garadka iyo Aqoonyahanka Ummadda u ah Hormoodka, xukuumaddu waxay diyaar u tahay waxkasta oo jiritaanka Somaliland aan ka hor imanayn.

Hargeysa waxaanu u joognaa sidii aanu wax idiinku qaban lahayn, madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisuna salaam baani idiinka sidnaa Xukuumaduna ma jirto cid ay fogaynaysaa Xukuumadda wadada Boorama dhismaheeda way ka qayb qaadatay, wax kastana Gobolka iyo Goboladda kale way ka qabanaysaa” ayuu yidhi Cali Xaamud.

Sheekh C/laahi Sh Cali Jawhar oo ka mid ah Culimadda ugu waaweyn Gobolka Awdal oo ka hadlay furitaanka shirka TOL ayaa yidhi “ TOL, Waa Eray muhiim ah, wasiiradda caawa inaad nala joogtaan waa noo farxad, laakiin aroorta hadaad nala joogtaan waa noo Xumaan. Waxaanu u aragnaa dad la haysto, markaa kolay war waad helaysaane waa inaydaan nala fadhiyin oo aynu kalsooni isku qabnaa.

Idinku Qurbajoog baad tihiin, anaguna Qol qol jog. Markaad halkaa joogtaan ee aad aragtaan dadkaad la joogtaan waxaad is tidhaahdaan muxuu dalkiinuna sidan oo kale u noqon waayay, anaguna waxaanu is nidhaahnaa dhibaatada 21 ka sano na soo martay tallow nabadgelyo maydun heli. Hadalkaan uga jeedaa wuxuu ahaa Hargeysa anoo jooga ayaan maqlay Islaan Inanteeda ku leh naa biyaha inoo tashiil Boorame ma joogtide, hadalkaas hadal ka wanaagsan ma maqal” ayuu yidhi sheekhu.

Suldaan Xasan Xadi Baade oo isna hogatusaalayn kale madashaas ka jeediyay ayaa yidhi “ Haddii sadex nin oo sii kala jeeda ugu timaadeen TOL ka halkan kuwii isku soo jeedin lahaa noqda, haddii aad u timaadeen TOL waxqabsadayna wax ku darsada, laakiin waxoogaa Turxaan bixin ah waa loo baahan yahay. Kaa baadiyaha Joogaa waxbuu badow ka yahay, ka Jaamacada ka soo baxyna wax buu badow ka yahay aynu isku biirino, aynu u midawno waxqabadka Gobolka” ayuu yidhi Suldaan Baade

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka hadlay ayaa yidhi “ markii Wasiiradda la is daba galiyay waxaan is idhi waar shirka ma Dawladdaa wadata, laakiin markaan Guddoomiyaha Yuusuf qaalib arkayna waxaanu fahayany in Tol-kii shirka wato.

Qurba jooga waxaanu is nidhaahnaa sida Hay’addha ayay Miis fadhiistaan dabadeed iyagoon xaqiiq ogayn ayay indhaha ka ridaan wax kasta, laakiin imika waxbaa ka gadisanoo waxaad u socotaan inaad dabeecaddii bedeshaanoo aad doomnaysaan Tolkiin inaad waraysataan markaa marakaynu fooda is darno ama idinkaa la idin dabiibi ama anagaa nala dabiibi” ayuu yidhi

Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye Cali Gabilay oo ka hadlay kulankaasi ayaa yidhi “ Somaliland mid baan leeyahay Shirka been baa laga sheegay laakiin waxa iska diiday Madaxweyanaha Somaliland oo kaga dhabeeyay Qabashadiisa

Riwaayad baa jirtay Wakhtigii Kacaanka Huuryo sameeyay oo Dumarka la soo saari jiray ayaa qaarna la bixin jiray qaarna aan la soo saari jirin markaasuu yidhi isagoo kuwaas ka hadlaya waar horta kuwayaga uun maxaa loo soo saaraa, waar horta Somaliland neey shirka Gabaduursi muxuu kaga duwan yahay kuwa beelaha kale ee Salaadiintoodi iyo Siyaasiyiintoodii tageen, bal wax gadabuursi ah oo tagay Xamar soo sheega waa kuwaas sharafta leh Salaadiintayadii iyo Culimadayadii. Ehlu Naarnimadda Somaliland side looga baxaa ma jirto cid anaga naga tagtee.

Reer Awdaloowna Il-baxa Raxan weyn Sideeda oo ha odhanina ilaa waligiin Cawaale Bustaalena naga daji Subeerna noo Dalacsii, oo garta inuu Gadabuursi Kaso oo uu karo” ayuu yidhi

Ugu danbayntii waxa ka hadlay Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawl oo ka hadlay ayaa yidhi “ Cida na furatay waanu u mahadnaqaynaa haddii aan ogolaan lahayn maanaan aqbalneen cid diidan shirka TOL. Hadii Islaani dabiibi jirtay Arrimaha qaarkood Rag baa dabiibi doona maanta. Haddii ay naga timi maxaada sidaana intaad ka tidhaahdeen baa nagu filan dibna la idiin odhan mayo . shirka caawa Hordhac baan u arkaa laakiin waxa mugdi igaga jiraa shirkii Tolka ma inta halkan fadhida ayaa galaysa mise waxa inagu soo biiri doona dad ka tirsan Acyaanta ka maqan ee Culim iyo Madax dhaqameed leh” ayuu kaga baxay.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook