Somalia waxay udub dhexaad u ahayd in ka badan 20 sano dagaalo , barakac , dilal iska hor imaad diimeed iyo qalalaase raadkiisu dheeraaday , 10 sano oo ka mid ah waxay somalia lahayd dawlado ku meel gaadh ah oo intooda badan ku fashilmay inay soo celiyaan kala dambayntii iyo dawladnimadii somalia ku naaloon jirtay 1960 ilaa 1991.
Markaad u kuur gasho fashilaadaha ku yimid dawladihii ku meel gaadhka ahaa ee somalia ayaa ahaa khilaaf u dhexeya madaxda sare ee dawlada gaar ahaan madaxweynaha iyo raysalwasaaraha kuwaas oo ugu dambaynta keeni jirtay in labada masuul midkood ka baxo meesha ama iscasilo , arimahan oo in badan soo noq noqday ayaa ragaadiyey in la helo masuul ka midha dhaliyaa ujeedadii loo sameeyay oo ahayd in shacabka somaliyeed lagu soo celiyo dawladnimadii iyo kala dambaynta dalka .
Markaan taariikhda dib u milicsano madaxweyne Cabdi qaasim salaad xasan iyo raysal wasaarihiisii xiligaa Dr cali khaliif galaydh ayaa ahaa labadii masuul ee ugu horeeyay ee is khilaafta taasi oo keentay in cali khaliif meesha ka baxo ka dib markii cod loo qaaday isagoo dalka dibeda uga maqanaa kana qayb galayey shirweynihii guud ee qaramada midoobay sanadkii 2002 ,
waxaa ka dambeeyay oo loo magacaabay Xasan abshir faarax inuu noqda raysalwasaaraha xiga balse 2 sano ka dib waxaa iyadna meesha soo galay khilaaf xoogan oo salka ku hayey qaabka iyo nidaamka looga qayb galayo shirkii kooxaha somalia uga furmayay magaalada Ceel dooreed ee dalka kenya balse ugu dambeyntii keenay in dawladiiba meesha ka baxdo sanadkii 2004 lana soo doortay madaxweynihii geeriyooday ee c/laahi yuusuf .
madaxweyne Yuusuf ayaa u magaacaabay raysal wasaare Dr cali maxamed geedi oo ahaa aqoonyahan bartay cilmiga xanaanada xoolaha balse siyaasad ahaan dawlada Eithopia dabada ka riixaysay hase yeeshay mudo yar ka dib waxa soo if baxay khilaaf xoogan oo u dhexeeyay Madaxweyne Yuusuf iyo Geedi oo misena salka ku hayey maamulka deeqo ay bixisay dawlada sucuudigu iyo waliba sidii loo maamulay dagaaladii ka dhacay xamar iyo gobalada koonfurta iyo badhtamaha somalia keentayna in cali geedi meesha ka baxo . loona magaacaba nuur xasan xuseen (nur cade) inu badalo , waa yaabka yaabkiise hawshu halkii bay ka sii socotay oo markale waxaa soo baxay muran hor leh oo kale kana bilaabmay xilka qaadistii maxamed dheere oo ahaa Gudoomiyaha G/Banaadir ahaana duqa magaalada caasimada ah ee Mogadishu ugu dambayntiina keenay in madaxweyne Yuusuf is casilo ka dib cadaadis kaga imid xubnaha barlamanka iyo beesha caalamka .
2009 waxaa madaxweyne loo doortay shiekh shariif sheekh ahmed ka dib dawlad midnimo qaran kana dhalatay wadahadalo u dhexeeyey isbaahaysigii dib u xoraynta somalia iyo dawladii nuur cade iyadoo ka dibna loo magaacabay cumar c/rashiid sharmaake inuu noqdo raysalwasaare , nasiib daro se in kadib sidii caadadda ahayd la is khilaafay iyadoo sababtuna ahayd arimaha dastuurka iyo sidii looga bixi lahaa nidaamka ku meel gaadhka loogana gudbi lahaa dawlad rasmi ah .
Ka dib is casilaadii cumar c/rashiid waxaa raysal wasaare lo magaacabay maxamed c/laahi farmaajo ,
magacaabista farmaajo ayaa ahayd mid wax badan ka badashay habkii ay ku socdeen xukuumadihii ka horeeyay isagoo aad u xakameeyay musuqii baahsanaa ee dhex jiray hay’adaha dawlada arintan ayaa keentay in ciidanak qaranku helaan dhiiranaan ay kaga hortagaan kooxda alshabaab si kastaba ha noqotee dagaalo qadhaadh oo ka dhacay Mogadishu gaar ahaan degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag ayaa keentay in shabaab jab weyni soo gaadho isla markaana ay baneeyaan fadhiisimo badan oo ay ka mid ahayd wasaaradii gaashan dhiga suuqa weyn ee bakaaraha , ugu dambayntiina keentay in al shabaab baneeyaan fadhiisimahooga magaalada caasimada ah ee Mogadishu wax yar ka dib is casilaadii farmaajo .
inkasto shacabka soomaaliyeed aad u soo dhaweeyay shaqada xukuumadii farmaajo hadana may raali galin qaar ka mid ah dadka ku dhex jira siyaasada somalia , tusaale ahaan farmaajo ayaa amar ku siiyay hay’adaha qaramada midoobay inay u soo guuraan Somalia , hase yeeshe tani ayaa keentay khilaaf baahsan oo u dhexeeya ergayga gaarka ah ee xoghaya guud e qaramada midoobay u qaabilsan somalia Mahiga iyo farmaajo , hase yeeshe xubanaha beesha caalamka ayaa u arkay farmaajo inuu yahay shakhsi soo celin kara waxa inta badan shacabka soomaliyeed raadinayeen oo ahay dawladnimo iyadoo ugu dambayn loo soo dhex maray gudoomiyaha barlaamanka ugu dambayntiina lagu qasbay farmaajo inuu is casilo , arintan ayaa ahayd mid ay dareen xoogan ka muujiyeen bulsha weynta somaliyed hase yeeshe dareenkooda ayaa noqday mid aan dhag jalaq loo siin.
Mudo ka dib waxaa isna loo magaacabay c/wali maxamed cali inuu badalo farmaajo hase yeesha waxay dawladii c/wali la kowsatay abaarihii ba’naa ee ka dhacay dalka inkastoo ay heshay xasilooni iyo deganaan aanay helin kuwi ka horeeyay , inkastoo la odhan karo waxaa xakameeyay khilaafka masuuliyinta heshiiskaa kampala ee looga magac daray (kampala acode) meeshana laga saaray awoodii barlamanka lugana badalay kooxdii sixeexayaasha tubta nabada somalia hadana dhamaad kii xiliga xukuumada waxaa soo ifbaxay muran xooga oo salka ku hayey darajooyinka ciidanka iyo magacaabis degmooyin iyo gobolo balse may noqon mid saamayn badan yeelato waxaana hadheeyay xiisada siyaasadeed ee dalka iyo xiligii dawlada oo dhamaaday .
Markaan dib u milicsanoo taariikhdaa siyaasadaad ee somalia soo martay ma la odhan karaa waxaa la gaadhay xiligii meel kale looga gudbi lahaa jawaabta su’aashan ayaa ah HAA lakin ilaa hada lama hayo wadadii looga gudbi lahaa . hadiise aan isku dayno inaan darisno xaalada dhabta ah ee meesha taala ayaa waxay noqonaysaa in ay jiraan laba awoodood oo mid walba ay leedahay saamayn xoogan , markaan dib u milicsano nidaamka dawliga ah ayaa dhigayaa inay jiraan habab kala duwan oo ay yeelan karaan qaab dhismeed dawladeed balse ay ku xidhan tahay hadba sida dalkaasi yahay iyadoo laga duulay sida ay ugu bisil yihiin siyaasada iyo waliba fur furnaanta siyaasadahooga .
Habka loo yaqaano parlamentariga waxaa sheegayaa in madaxweynuhu magacaabi karo raysal wasaare ka dib raysal wasaaruhuu soo dhiso dawlad sida somalia oo kale
Waxaa kale jira nidaam dhigaya marba xisbiga ugu badan xubnaha baarlamanka ay soo xushaan cida noqonaysaa raysalwasaare kaasi uu noqdo hogaamiyaha dalka madaxweynuhu noqdo mid la sharfay oo kaliya (ceremonial president) sida Eithopia , India , pakistan iyo Burma . sidoo kale waxaa iyadna la mid noqon karta habka boqortooyada sida dalkan Italy Britain , canada Austraila Newzealand IWM.
Dhamaan nidaamkaasi ayaa dhigayaa in raysal wasaaaruhu yahay awooda koowad ee matali karta codka shacabka .
Nidaamka madaxtooyada (presidential system) ayaa ah nidaam ay awooda ugu badan gacanta ugu jirto madaxweynaha iyadoo sidoo kale dalka yeelanayo madaweyne ku xigeen ama tiro madaxweyne ku xigeeno , nidaamka ayaa madaxweynaha awood u siinaya inuu soo magacaabo xubanaha golaha wasiirada hoogimiyaasha ciidamada qaranka iyo waliba saraakiisha sare ee dawlada iyadoo sidoo la horgaynayo golaha sharci dajinta dalka si ay u xalaaleeyaan. Dalalka nidaamkan qaatay waxaa ka mid ah Maraykanka , Sudan , South africa , Somaliland iwm.
Si kastaba ha noqotee kala duwanaanshaha labadan nidaam ayaa leh saamayn xoogan o dhan walba leh . tusaale ahaan waxaa aad looga dharagsan yahay in wadamada leh nidaamka parlimentariga ay ka muran iyo qalalaase badan yihiin kuwa kale iyadoo sabab u tahay in markasta uu jiro loolan loo kala badiyo awooda dalka taasina ay keento meelaha qaar inay mashaakil la sii galaan lugaha hase marka laga dayo dhinaca wadamada horumary waxay keentaa la xisaabtam dhab kuna salaysan horumarinta iyo koradhka dhaqaale .
Hase yeeshee wadamada soo koraya ayaa nidaamkan loo adeegsadaa in la isku duro oo loo adeegsado aargoosi siyaasadeed muran daba dheeraado taasi ay keentay in siyaasiyiintu ku mashquulaan inay ku jiraan olole aan dhamaad lahayn halkii laga samayn lahaa qorshe iyo siyaasad horumarineed. Tusaale ahaan dalka talyaanigu wali may soo marin dawlad xiligeedii dhamaystay Britain la mid Greece iyo somalia iwm
Markay aynu soo noqono wadamada ku dhaqma nidaamka madaxtooyada waxaa inta badan awoodii dalku gacanta ugu jirtaa madaxweynaha isagoo go’aansado hadba sida uu u dajisto siyaasada xukuumadu iyadoo ayna ka madhanayn in barlamaanku ansixiyo ama diido , sidoo kale wadamada nidaamkan qaatay ayaa laga wada dharagsan inuu aad u hooseeyo khilaafka u dhexeeya masuulliyinta ugu saraysa dalkaas. Sida Maraykanka , Sudan Somaliland iwm.
Si kastaba ha noqotee waxaa 20 August lagu dhaari yay magaalada Mogadisho ee caasimada dalka Somalia xubno baarlamaan oo ka badan 225 kuwaas oo la filayo inay soo doortaan gudoonka barlamaanka iyo madaxweyne aan ku meel gaadh ahayn taasi oo noqon doonta dawladii ugu horaysay oo rasmi ee ay somalia yeelato mudo ka badan 20sano ,
su’aasha meesha taala ayaa ah maxay kaga duwan tahay kuwii hore ee khilaafku ragaadiyay
dadka ka faalooda siyaasada somalia ayaa sheegaya inaanay wax badan kaga duwanaan dooni ilaa nidaamka siyaasadeed ee somalia wax laga badalo lana soo afjaro labada awoodood ee isbar bar yaacayaa iyadoo sababru tahay in siyaasiyiinta somalidu ay in badan ku soo jireen xafiiltan iyo khilaaf xadka dhaafay kaasi oo gaadhsiiyay in dantii shacabka ee loo soo doortay ay ka door bidaan tooda gaarka waxaa wax laga xishooda ah in gudoomiyo magaalo oo xilka laga qaaday loo dumiyo dawlad dhisan , waxaa iyana wax laga yaq yaqsooda in deeq dad maskiina loogu talo galay jeebka lagu shubto nidaamkiina lagu baabiiyo ,
waxaa nasiib daro ah in shakhsiga loo arko inuu umada rajo galinayo meesha laga saaro loona adeego danaha shisheeye oo dalkeenii gaadhsiiyay heer ay dalal kale baadhaan khayraadkeenii iyo shidaakkeenii sheegatana inay sexeex u haysato fulintan hawshan .
ugu dambayntii waxaan talo ah in maadaama somalia in badan dagaal ku soo jirtay laga daayo nidaamkan ma dhalayska ah loona sameeyo nidaamka madaxtooyada si loo helo kala dambayn iyo hal meel oo laga hago siyaasada dalka intaan gaadhayno nidaamka la xisaabtankan iyo xisbiyada badan ee baarlamaaniga ah .
hadii kale waxay noqon doontaa hore loo arag lagamana il baxaan .
W/Q
Ahmed Bashiir Hassan
Mogadishu , Somalia
