Muqdisho(Subulahanews)-Waxaa xiligaan hor tuban maxkamda sare horteeda dhamaan ragii loo diiday inay ka mid noqdaan xildhibaanda Soomliyeed kuwaa oo u badan siyaasiin rug cadaa ah oo in muda ku jiray siyaasada dalka Soomaliya qarkoodna xilal muhiim ah ka soo qabtay dowladii milatariga ee uu hogaaminaayey Allaha u naxariistee madaxweyne Maxamed Siyaad Bare
Masuuliyiintaa jooga xiligan maxkamda sare ee qaranka Soomaliyeed ayaa Goaan ka sugayo manta in ay soo saraan si loo dhameeytiro xubnaha dhiman ee Baarlamanaka.
Waxaase xiligaan shir xasaasi ah u socdaa Maxdaweynaha Soomaliya sheikh Shariif Sheikh Axmed , Wakiilka gaarka ee qaramada midoobay ee Soomaliya Mahiiga iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Avv. Caydiid Ilka Xanaf. Iyadoona kulankan u muuqda mid lagu soo afmeerayo qilaafka hareeyey soo xulida xildhibaanda cusub oo qarkood loo diiday halka kuwa danbi weyn ka galay loo xulay in ay xildhibaan noqdaan.
Kulanka Kadib ayaa laga dhow rayaa gudoomiyaha Barlamanka in uu soo saaro go’aan cad oo la ogeen waxa uu noqon doono madaama xaalada Soomaliya ay xiligaan cakirantahay
Dadka saadaliyo Arimaha siyaasada Soomaliya ayaa qabo hadaan xal muuqda oo sax ah laga gaarin arinta dadka loo diiday xildhibaanda ay keeni karto habac sanaan dhanka siyaasada ah iyadoon masuul u hadlay midoowga Afrika uu sheegay in siyaasiyiinta Soomalida iska iloobaan wixii 21 sano ka hor dhex maray kana gudbaan is eeg eega dhanka siyaasada ah.
Subulahanews.
