Hargeysa (Subulahanews)-Xaflad balaadhan oo lagu soo dhawaynayey xubno ka tirsanaa xisbiga Macaaaridka ah ee udub oo ku soo biiray xisbul Xakimka kulmiye ayaa maant lagu qabay hotel maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xafladan oo ahay xaflad si heer sare Ah loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay wasiiro tira badan oo ka mid ah xukuumada haatan xilka haysa, waxa ka mid haa wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, Wasiirka Wasaarada Maaliyada C/casiis Maxmed Samaale ,Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade, wasiirka duulista iyo hawda Maxamud Xaashi Cabdi, Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Salaadiin, Aqoonayahano, Haween iyo Boqolaal tageeryasha Xisbiga Kulmiye ah.

Xafladan ayaa ahayd tii ugu Balaadhnayd ee wasiiro intaasi leegi ku soo dhaweyaan Masuuliyiin ku soo biirta Xisbil Xaakimka Kulmiye.

Masuuliyiinta ku soo biiray Xisbiga Kulmiye ee ka Soo Digarogtay Xisbiga Udub ayaa wax ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Ciyaraha ee Xukumadii Riyaale Maxmud Siciid Muxumed, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan Wasiirkii hore ee Ganacsiga Abiib Xassan Filfil, Badhsaabkii hore ee Gobolka Maroodijeex Maxmaed Cabdi Daúud iyo Xubno kale.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Abiib Xassan Filfil iyo Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ku hadlayey Afka xubnaha ku soo biiray Kulmiye ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ku biiritaanka xisbiga muxaaafika ah ee kulmiye,iyaga oo sheegay in Xisbiga Kulmiye ay si rasmi ah uga mid noqonayaan.

Dhinca kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, Wasiirka Wasaarada Maaliyada C/casiis Maxmed Samaale ,Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade, waxayna SHeegen in si weyn u soo dhaweynayaan Garabkaasi Miisanka leh ee ku soo biiray iyaga oo Xusay in Xisbiga Kulmiye yahay Lafdhabarta Xisbiyada Somaliland, iyaga oo Hoosta ka xariiqay in wakhtigadii hore loolan adagi uu ka dhexeyn jiray lakiin maanta ay isku hadaf iyo Xisbiba yihiin.

Guddomiyaha Xisbiga kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Garabkaasi ka soo baxay Xisbiga Udub ee Ku soo biiray, waxanu tilmamay in Xisbiga Kulmiye yahay mid Soo dhaweynaya cid kasta oo ku soo biirta.

Gabogabadii waxa halkasi ka hadlayMadaxweyne ku-xigeenka Soomaliland Cabdiraxmaan C/laahi Ismacil Saylici waxanu sheegay in maanta xubnahan ku soo biiray kulmiye ay ka mid yihiin xubnihii ugu ad adkaa xiligii lagu jiray Ololaha Doorashada, islamarkan ku soo biiray Xisbiga Kulmiye kana mid yihiin.

Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenku Bulshada Reer Somaliland ugu baaqay in xiligii ololuhu dhamaaday, hase yeeshee maanta meel looga soo wada jeesto Dhisitaanka qaranka.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook