London(Subulahanews)-Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa oggolaaday inuu bixiyo lacag dhan 21 milyan oo Dollar, taasi oo la siinayo dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay jir-dil dhacay xilligii uu dowladda Soomaaliya ku jiray siddeetamaadkii.
Maxkamad ku taal waddanka Mareykanka ayaa go’aamisay in Mr. Samatar uu bixiyo lacagtaasi, taasi oo soo gabagabeyneysa muddo sideed sano ah oo dacwad ay ku socotay.
Wararka la xiriira Xuquuqda Biniaadanka, Siyaasadda Hoggaamiyaha hore Maxamed Cali Samatar ayaa dad Soomaaliyeed oo Mareykanka deggan waxa ay ku eedeeyeen in uu masuul ka ahaa jirdilkii loo geystay xilligii uu madaxda ahaa.
Dadka Soomaalida oo ahaa 7 qof ayaa waxa ay dacwadda ka dhankaah Mr. Samatar ay ka bilaabeen maxkamad ku taal Alexandria sanadkii 2004.
Maxamed Cali Samatar ayaa beeniyay eedeeymaha loo heystay.
Mr Samatar oo 76 jir ah, waxa uu soo noqday Madaxweyne ku xigeen, Wasiirkii Gaashaandhiga iyo Raiisul Wasaare.
Source:BBC
