Boorame (Subulahanews)-Afar wariye oo ka hawl geli jiray Warbaahinta kala duwan ee Somaliland ayaa shalay magaaladda boorama kaga biiray Urur Siyaasadeedka Mucaaradka ah ee Ummadda, waxaanay afartuba isku taageen Doorashada Golaha Deegaanka ee la filayo 28 ka bisha November.
Afarta Wariye oo kala ah Cali Aare, Daahir Axmed jIrde, Cumar Bashiir Cali iyo C/raxmaan Muxumed Muuse (Buraale), waxay kaga dhawaaqeen magaaladda Boorama ka hor intii aanay is sharixin inay ka tanaasuleen shaqooyinkii ay u hayeen Hay’addaha Warbaahinta.
Urur Siyaasadeedka Ummadda ayaa Olole balaadhan ka wada Gobolka Awdal, waxaanay xubnahani tirade musharixiinta ururkaasi ka dhigayaan 19 musharax halka 21 Musharax looga baahan yahay.
Subulahanews.
