Muqdisho(Subulahanews)-Waxaa maanta ka dhacay xarunta Iskoolo Buluusiyo ee magaalada Muqdisho kulan ballaaran oo ay isku yimaadeen xildhibaanada baarlamanka Somalia kaasoo ahaa kalfadhiga 1aad fadhigiisa shanaad oo uu shir gudoominayey markii ugu horeysay gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Kulanka ayaa looga hadlay magacaabida guddiga doorashada ee madaxweynaha cusub iyo dhaarinta xildhibaano cusub iyo kala saarida qaar kale oo is heysta.

Waxaa shirkaas khudbad dheer ka jeediyey gudoomiyaha cusub ee baarlamanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo xildhibaanada ugu hambalyeeyey sida Dimoqraadiyada leh ee ay u soo doorteen gudoonka baarlamanka isagoo ugu baaqay iney madaxweynahana sidaa si la mid ah u soo doortaan.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in inkastoo xildhibaanada ay hab beeleed ku yimaadeen haddana ay tahay iney ogaadaan iney yihiin xildhibaano Qaran, kana shaqeeyaan danaha guud ee Qaranka, wuxuuna xusay in baarlamanka uu hor yaalo waajibaad iyo shaqo culus oo ay ka mid yihiin dalka la gaarsiiyo afar sano ka dib doorasho xor ah oo shacabku ay si toos ah ugu soo dooranayaan madaxdii hogaamin laheyd.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook