Muqdisho(Somaalinet) Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey gudiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya kadib kulan ay Mudanayaashu maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.Kulankan oo ahaa fadhigii Shanaad kala fadhiga Koobaad ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayadoo ay soo xaadireen intabadan Mudanayaasha Baarlamaanka.
Bilowgii kulanka ayaa waxaa gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka codsaday Xildhibaannada iney iska soo xulaan 15xubnood kuwaasi oo noqonaya gudiga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya kadibna waxa ay Xildhibaannadu iska soo xuleen 15 xubnood kuwaasi oo ay Xildhibaannada Baarlamaanku islamaanta ansixiyeen.
Magacyada gudiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa waxey kala yihiin:-
- Khadiijo Maxamed Diiriye
- Maxamed Cumar Maxamuud
- Ibraahim Saalax Deyfullah
- Axmed Cismaan Ibraahim
- Sacdiyo Careys Ciise
- Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale
- Daahir Amiin Jeesoow
- Cismaan Maxamed Cabdi Daallo
- Maryan Cariif Qaasim
10. Axmed Aadan C/raxmaan
11. Saynab Maxamed Caamir
12. Axmed Aadan Axmed
13. Cismaan Libaax Ibraahim
14. Aweys C/laahi Ibraahim
15. Muumino Sheekh Cumar
Markii gudigaasi ay Xildhibaannada Baarlamaanku ansixiyeen ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu Mudanayaasha Baarlamaanka ka codsaday in gudiga gudoomiye uu u noqdo General Muuse Xasan Cabdulle oo isagu ahaa gudoomiyihii KMGka ee Baarlamaanka arintaasina wey ka aqbaleen Gudoomiyaha Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya taasi oo gudiga ka dhigeysa 16 Xubnood.
Gudigan waxaa laga dhoorayaa iney soo saaraan waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya ayadoo tanina ay qeyb ka noqoneyso guullaha usoo hooydey shacbiga Soomaaliyeed maadaama 2maalin ka hor gudaha dalka lagu doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa ku xigeen hadana lagu dooran doono Madaxweynaha Dalka.
source radio muqdisho
