Muqdisho(Subulahanews)-Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah Murashax u taagan Xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay ardaydii wax-ka-bartay qaybaha kala duwan ee jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, isagoo Jaamacadda Ummada Soomaaliyeeed mar ka soo noqday guddoomiyihii ardayda.
Kulankaan oo ka dhacay Hatel Jasiira ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay qaar ka mid ah ardaydii ka wax-ka-bartay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa waxay uga Mahadceliyeen kulanka uu soo qabanqaabiyay Murashax Yuusuf Garaad, iyagoo sheegay in kulankan uu yahay mid ka tarjumaya sida ay uga go’an inuu dib u Mideeyo ardaydii wax ka baran jirtay jaamacadda Ummadda.
Inj. Cabdiraxmaan Sayid Axmed oo ka mid ah ardaydii ka Qalin-Jabisay Jaamacadda isla markaana macallin kasoo noqday Kuliyada Injineeriya ayaa wuxuu sheegay inay wax kusoo barteen Canshuurtii Ummadda Soomaaliyeed, sidaa daradeed Ardey ka Qalin Jebisey Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Abaalkaas Guddo
“Qof Waxbarashadiisa oo dhan laga soo Bilaabo min Dugsi Hoose Ilaa Jaamacad ay ahayd mid lacag la’aan ah,,waxaa looga baahan yahay Ardeydaas ka Qalain Jebisey Jaamacadda Ummada Soomaaliyed in ay ka soo dhalaalaan kaalintooda kaga beegan Sama-tabixinta Ummada Soomaaliyeed ,” ayuu yiri Inj. C/raxmaan Sayid. Axmed
Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay Mudane Gorod oo yiri: “Waxaan hadda ogaaday in waqtigiiDowladdii hore aan ahayn dad la siday oo tiigsanayay ujeeddooyin ku aaddan sidii ay u hormarin lahaayeen Dalkooda iyo Dadkooda, marka waxaan soo jeedinayaa in dib loosoo celiyo waayahaas Quruxda badan ee ina soo maray.”
Subulahanews.
